XOG: C/wali Gaas oo diiday dalab kaga yimid QM oo ku aadan Xiisada Tukaraq(Go’aan Cajiib uu gaaray)

Sida ay illo xog ogaal ah inoo sheegeen,madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa diiday baaq kaga yimid Qaramada Midoobay oo ku aadan in wada hadal iyo waan waan lagu dhammeeyo Xiisada ka taagan Gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo ay ku dagaalamayaan Ciidankiisa iyo Ciidamada Somaliland.

Warqad qoraal ah oo C/wali Gaas lagaga dalbanayo inuu ogolaado wada hadal toos ah oo dhexmara isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu ka jawaabi kari waayay Mr.Gaas,wuxuuna ku adkeystay in Puntland awood u leedahay iney xoog ku soo ceshato dhulka kaga maqan gacanta Maamulka Somaliland.

Sidada wararka aan ku helnay Qaramada Midoobay ayaa dooneysa iney Heshiis KMG ah dhex dhigto Labada Maamul oo ay garwadeyn ka yihiin Madaxweynayaasha C/wali Gaas iyo Muuse Biixi,iyadoo wejiga hore ee Heshiiskaasi uu fashilmay ka dib markii C/wali Gaas laga dhaadhicin waayay.

Sidoo kale,Horay waxaa u fashilmay Heshiis KMG ah oo mudo saddex bilood dhex dhigtay Puntland iyo Somaliland Dowladda Mareynkanka,kaasi oo habeenkii Heshiiska uu dhacay Subaxdeedii Puntland dagaalka kula kalahday deegaanka Tukaraq oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Somaliland.

Madaxda ugu sareysa Labada Maamul ayaa hadalo kul kulul isku marinaya Warbaahinta,Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay dagaalka ayaa ku baaqday in si sharuud la’aan ah dagaalka loo joojiyo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...