XOG: Axmed Madoobe & C/wali Gaas oo laga dhaadhicinayo iney u hogaansamaan Dowlada Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa sidii ay u soo dhoweyn lahayd Mowqifka madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo hadda muuqda kuwo ka fog Dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana iskood isku maamulaya.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Kullan gaar ah oo ay Baydhabo kula yeesheen C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe u sheegeen in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagana yimaado khilaafka jira oo ku saleysan danaha gaarka ah.

Madaxda Qaranka ayaa Labadan Mas’uul ku qanciyay in Dowladda dhexe looga danbeeyo arrimaha dibadda iyo deeqaha lagu keeno magaca Soomaaliyeed,islamarkaana iyaguna ka shaqeyn doonaan sidii si cadaalad ah loogu qeybin lahaa Dowlad Gobolleedyada dalka ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe,madaxweynaha Jubbaland,C/wali Gaas madaxweynaha Puntland oo isku mowqifka ah ayaa xiriir dhow waxay la leeyihiin Imaaraadka Carabta oo ah Dowladda aan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn Dowladda Federaalka ka dib Go’aankii dhex dhexaadka ahaa ee arrimaha Khaliijka laga qaatay.

Magaalada Baydhabo waxaa maalintii Labaad ka socda shirka Golaha Amniga Qaranka,kaasi oo diirada lagu saarayo arrimaha Amniga dalka ayaa ka qeyb galaya madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Gobolleedyada,waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah Ummada Soomaaliyeed.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...