Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday

Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyoodey wariyihii caanka ahaa ee Maxamed Aadan Xirsi (Terra) oo si weyn looga yaqaanay dhulka Soomaalida.

Wariye Terra oo ka soo shaqeeyay Warbaahin dhowr ah, madaxna kasoo noqday Raadiyo Muqdisho ayaa sanadihii ugu danbeeyey u wareegay dalka UK, isagoo kasoo shaqeeyey warbaahinta Telefishanka Universal.

Maxamed Adan Xersi (Terra) ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey ku xanuusanaayey dalka Ingiriiska, wuxuuna ugu danbeyn ku geeriyooday halkaasi.

Waxaa geerida Wariye Terra tacsi diraya dhammaan saxafiyiinta iyo bahda Warqaad, waxayna Alle uga baryayaan inuu naxariistee Janno ka waraabiyo… AAMIIN


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...