UK: Lacago Loo Ururinayo Dadka Reer Boorama Ee Ay Daadadku Waxyeelleeyeen.

Maamulka magaalladda Henley ee dalka Britain ee maataanka la leh magaalladda Boorama ee W/Galbeed Somalia ayaa bilaabay olole ay lacago ugu ururinayaan dadkii ay dhibaatadda ka soo gaartay Roobabkii Duufaanta watay ee SAGAR ee dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah dalalka Somalia, Jabuuti iyo Yemen.

Tiro-koobka dadkii ku dhintay Somaliland ayaa waxay gaartay 60-qof, iyadoo uu Gobalka Awdal oo laga xukumo magaalladda Boorama ahayd meeshii ugu xumayd ee ay Duufaantii waxyeelleysay.

Hay’ad Samafal oo lagu magacaabo SAMASON RELIEF oo ay dhisteen Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka UK ayaa ku hawlan sidii ay Gargaar Lacageed ugu ururin lahaayeen dadkaasi ku dhibaataysan magaalladda Boorama.

Duqa magaalladda Henley, Glen Lambert oo ah Guddoomiyaha Ururka Saaxiibtinimadda ee Henley iyo Borama (The Henley-Borama Friendship Association)ayaa sheegay inaysan dad badan ku baraarugsanayn xiriirka saaxiibtinimadda ee u dhexeeya Henley iyo magaalladda Borama.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...