Sheekh Muqtaar Roobow oo ka Dhoofay Dalka, Ogow Ujeedkiisa & Dalka uu ku jeedo

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansoor oo mar kamid ahaa Hogaanka ugu sareeya Ururka Al Shabaab balse bilo kahor kasoo baxay kooxdaasi ayaa markii ugu horeesay uga baxay safar dalka dibadiisa.

Abuu Mansuur ayaa sida aan wararka ku heleyno u dhoofay dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana warar aan helnay sheegayaan in Abuu Mansuur Sacuudiga u aaday si uu usoo cumreysto.

Wadaadkan oo Al Shabaab dhaxdiisa si weyn looga qadarin jiray ayaa go’aansaday in uu kooxdaasi kasoo baxo wadahadalana la galo Dowlada Soomaaliya, waxaana ugu dambeyn Abuu Mansuur iyo Dagaalyahano uu watay dagaal la galeen Al Shabaab.

Dowlada Mareykanka ayaa horey uga saartay Abuu Mansuur Liiska kooxaga loogu yeero argagaxisada, waana mida fududeesay in Abuu Mansuur isku soo dhiibo dowlada Soomaaliya una safro dalka dibadiisa.

Saraakiil sar sare oo horey uga soo baxay Al Shabaab ayaa hada kunool dalka dibadiisa oo laga siiyay magangalyo, halka kuwa kalana Dowlada xilal u magacawda qaarkoodna ku jiraan Taliska sare ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay u dhaxeeyay magaaalada Muqdisho iyo magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, mana jiro ilaa hada wax xil ah uu ka hayo Abuu Mansuur dowlada Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...