Shabaab oo sheegtay iney dileen 2-ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle & Guddoomiye Afweyne

Weerar dhaba gal oo ay Shabaab ku qaadeen Kolonyo Xildhibaano Galbineysay lagu weeraray inta u dhaxeyso Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Shabeelaha dhexe.

Masuuliyiinta Hirshabeelle oo soo xiganaya ilo dhinaca Millitariga ah ayaa inoo sheegay in weerarkan lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsan Hirshabeelle, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Cabdi Mukhtaar, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay Guddoomiye kuxigeenka Raage Ceelle Muuse Afweyne, dhammaan masuuliyiintan ayaa saarnaa gaari nuuciisa uu ahaa PRADO.

Waxay kaloo masuuliyiita Hirshabeelle inoo sheegeen in sidoo kale weerarkan lagu dilay 7 askari oo ka mid ahaa kuwii xildhibaanada u soo galbinayay magaalada Muqdisho, waxayna ka soo ambabaxeen magaalada Jowhar.

Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in weerar jidgal ah ay u dhigeen kolonyo galbineysay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeele, halkaasina ay ku dileen 12 qof oo isugu jirta saraakiil iyo ciidan.

Madaxda ugu sareysa ee maamulka Hirshabeelle weli falkan dhacay faah faahin rasmi ah kama aanay bixin, weerarkan wuxuu ku soo aaday xilli magaalada Baydhabo uu ka socdo shirka Golaha amniga Qaranka oo madaxda ka qeyb galeysa uu ka mid yahay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...