Sawirro:-Xildhibaanadii Iyo Ciidankii Ku Dhintay Weerarkii Balcad Oo La’aasay

Allaha u Naxariistee waxaa Maanta Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle lagu Aasay Xildhibaanadii hir-Shabeelle iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle ee shalay weerarka lagu dilay.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle,Xildhibaano,Wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Ehelada Marxuumiinta.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa Aaska ka qeyb galay,iyaga oo dhammaan Alle uga baryey masuuliyiintaas in uu Janada ka Waraabiyo

Mas’uuliyiintii halkaasi lagu aasay ayaa kala ahaa  Xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Xildhibaan  Sheekh Cabdi Mukhtaar, oo Hirshabeelle ka tirsanaa iyo Guddoomiye kuxigeenkii Raage Ceelle Muuse Afweyne.

Xildhibaanada iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle ayaa waxa ay ku geeriyoodeen weerar lagu qaaday kolonyo ay la socdeen shalay gelinkii dambe xilli ay marayeen deegaanka ilbiq oo u dhaxeeya Balcad iyo Qalimoow ee G/Shabeellaha dhexe.

Goordhow la socda Codadka masuuliyiinta ka qeyb gashay Aaska.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...