Nin Ganacsade Ahaa Oo Lagu Dilay Magalada Muqdisho

Nin ku hubeysnaa Qoriga AK47 ayaa Gabaldhicii Caawa waxa uu Nin kale oo Ganacsada ahaa uu ku dilay qeybo ka mid ah  degmada Wadajir ee Gobolkan  Banaadir.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Kaawa-godeey ee degmadaas,waxaan Ninka la dilay qof ka mid ah dadka Xaafadaas uu Magaciisa ku soo koobay Xaseey,isla markaana uu Caanka ahaa degmada Wadajir.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka dilay uu halkaasi uga furnaa Goob Ganacsi oo ah Istudio,isla markaana ninka dilay uu ka mid ahaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano(Bangarafta) kaas oo durba goobta ka baxsaday.

Dilka ka hor ayaa waxaa labadooda dhex maray muran taas oo keentay in askariga uu dilo Ninkaasi Shacabka ahaa wallow aan weli la cadeyn waxyaabaha keenay khilaafka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaarey,waxaana Meydka Ruuxii la dilay goobta ka qaaday eheladiisa.

Dilka Ninkaasi Ganacsadaha ahaa ee ka dhacay Wadajir ayaa ku soo aadaya xilli Galabta isla degmadaas lagu dilay Nin ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya welina dilalkaas kama hadlin Maamulka degmada Wadajir.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...