Maxaa ka cusub Shirka Golaha Amniga Qaranka oo galay maalinkii labaad?

Waxaa maalinkii labaad galay shirka Golaha amniga Qaranka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayna ka qeyb galayaan Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulamo gaar gaar ah waxa uu magaalada Baydhabo kula qaadanayay masuuliyiinta dowlad goboleedyada gaar ahaan madaxda maamulka Galmudug oo hada khilaaf uu ka dhexeeyo.

Kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir ayaa wararka ku dhaw dhaw waxa ay sheegayaan in aad looga hadlay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Galmudug, oo hada kala jooga Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakiri Cali Xasan ayaa waxaa la sheegay in ay si aad uga wada hadleen sida ugu macquulsan ee xal loogu gaari karo khilaafka hareeyay Madaxda Galmudug iyo doorka dowladda dhexe.

Shirkan ayaa waxaa lagu adaa gelinka dambe ee maanta in lagusoo gaba gabeeyo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin madaxda ka qeyb gashay.

Heshiiska maanta lagu wado inuu ka soo baxo war-murtiyeedka shirka magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegayaa in ay aad u taaban doonaan siyaasadda kheyraad wadaagga, arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...