Kolonyo Galbineysay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo lagu weeraray inta u dhaxeysa Jowhar & Balcad

Wararka naga soo gaarayo  magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in kolonyo galbineysay Xildhibaano ka tirsna Hirshabeelle lagu weeraray agagaarka deegaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeysa Balcad iyo Qalimow.

Dabley hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray kolonyada ciidan, waxaana la sheegay in dagaal muddo socday uu dhex maray ciidamo galbinayay Xildhibaanada.

Kolonyada galbineysay Xildhibaanada ayaa galabta ka soo ambabaxday magaalada Jowhar, iyagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle lagu dilay weerarka iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda, sidoo kale waxaa la gubay illaa labo gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari kuwa dagaalka.

Inkastoo dhowaan ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa xoogga dalka la dejiyay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar, hadana ma aanay joojin weerarada Al-Shabaab ka geystaan inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad

Dhowr jeer oo hore ayaa weeraro ay geysteen dagaalmayaasha Shabaab oo ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa weeraradaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...