Hal Arrin oo Fadeexad ku ah Xukuumadda Kheyre oo ka taagan Muqdisho & Shacabka oo la Yaaban.

Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxa uu u dhaxeyey Ciidamo ka wada tirsan dowladda,waxa uuna ka dhacay Xaafada Waaxda Xalane ee degmada Wadajir Gobolkaan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii dhul dhismo uu ka socday leysku qabsaday taas oo keentay in labada ciidan ay wada dagaalamaan.

“Askar ka wada tirsan dowladda waaye waxa dagaalamay Guri dhsimo ka socday ayaa kuwo rabay in ay lacag ka qaataan  joojiyaan  kuwo kale ayaa yimid oo difaacayey saas ayuu dagaalka ku dhacay,walahi aniga waxan arkay hal askari oo meydkiisa meesha laga qaadayey iyo Haweeney meesha mareysay oo dhaawac ah ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada Xalane.

Xaalada Goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa haatan ah mid degan,waxana xiriir aan la sameynay Masuuliyiinta maamulka degmada si aan wax uga weeydiino dagaalkaas basle aysan noo suurtagelin.

Dagaalada dhexmara Ciidamada ka wada tirsan dowladda ayaa mudooyinkaan ku soo badanaya Muqdisho,waxana shalay Waaxda Saddexaad ee degmada Dharkenley ku dagaalamay ciidamada xasilinta iyo kuwa Millateri ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...