DHAGEYSO: Xiisad u dhaxeysa Shabaab & Ciidanka DF oo ka taagan Gedo & Shabaab nolosha lagu qabtay

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegayaa in dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaalyahano ka tirsan  Alshabaab,gelinkii dambe ee xalay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii Al-Shabaab ay aweerar ku  qaadeen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo,gaar ahaan ag agaarka Buundada,halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidmado ka tirsan Xoogga Dalka,sida ay dadka deegaanka Warbaahinta u sheeeen.

Saraakiisha Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in qasaare dhimasho iyo dhaawac ay  dagaalkaasi ugu geesteen Al-Shabaabkii soo weerary,islamarkaana hub iyo dad nool laga qabsaday sida ay hadalka u dhigeen.

Abaanduulaha guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax oo ku sugan magaalada Baardheere ayaa faah faahiyay sida uu u dhacay dagaalkaasi.

“Walaal waxaa ay wax u dheceen nimankii Shabaab ayaay ina soo weeraray gelinkii dambe ee xalay,waxay ku soo qaadeen meel ciidanku ay ku sugnaayeen weyna ku jabeen,waxaa jiray weerar kale aan ku qaadnay markii ay jabeen’qasaare badan ayaa soo gaaray,inkastoo weli ay dhimantahay hadana waxaan haynaa qof nolosha ku qabanay iyo 10 qof oo aan ka dilnay,waa Buundada magaalada,waxaan sidoo kale ka qabsanay hub farabadan”. Ayuu yiri Abaanduule Qorax.

Gobolada Gedo iyo Jubboyinka ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka soconayay howlgalo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab,kaas oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa jubbaland.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...