DEG DEG: Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kenya oo qarax lagu dilay…

Shan ka mid ah saraakiisha Ciidanka Kenya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee GSU,ayaa ku geeriyooday Degaanka Libooyo kaddib markii Gaari ay wateen uu dulmaray Miino waddada la geliyay.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Dhadhaab; Harun Kamau ayaa sheegay in shan sarkaal ay dhinteen saddex kalena ay ku suganyihiin xaalad halis ah.

Ciidamadan waxaa ay wateen Gaari kuwa Ciidanka ah,waxaana Qaraxa Miinada uu ku qabsaday inta u dhaxeysa Gaarisa iyo Libooyo.

Weerarka ayaa ka dhacay Tuulada Harar sida uu sheegay Haruun,taas oo u dhow sohdinta Soomaaliya,waxaana uu ka tacsiyadeeyay geerida askarta saraakiisha ahayd ee la dagaallanka Argagixisada Kenya ka tirsanaa.

Haruun,ayaa sheegay in Ciidamo badan oo Kenyaan ah lagu daadiyay degaanka Kaddib weerarkii saaka degaankaas iyo degaannada ku xeeranna ay ka baadi goobayaan xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerarkaas lagu tuhmayo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...