Canada oo joojisay musaafurinta Yuusuf Maadey iyo Qoyskiisa.

Xilli saacado ay ka dhiman tahay in Yuusuf Maadey loo soo musaafuriyo dalka Kenya ayaa waaxda socdaalka Canada waxay Yuusuf ugu tageen garoonkii laga soo qaadi lahaa, waxaana loo sheegay in la baajiyey Musaafurintiisa.

Maadey oo loo haysto in dalkaasi ku galay Baasaboor sharci darro ah, islamarkaana Kenyan ah ayaa markii uu maqlay in Sanad dalkaCanada joogi karo waxa uu tilmaamay inuu aad u farxay walibana uu ilmeeyey.

Wuxuu Maadey sheegay in uu ku dedaali doono inuu yahay Soomaali dhab ah, balse haystay Baasaboorkan Kenyanka ah.

“Waan farxay oo waan ilmeeyay markii aniga oo macsalaameeyay reerkayga la ii yimid, la iguna dhahay dalka Sanad ayaad sii joogi kartaa” ayuu yiri Yuusuf.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa sameysay dedaal xoooggan oo ku aaddan sidii loo baajin lahaa safarka Maadey, waana ay ku guuleysteen.

Maadey ayaa qaba gabar Somali Canadian ah, waxaana ay u haysaa Afar Carruur ah, isagana dalkaasi wuxuu galay sanadkii 2013, xilli 20 sano uu ku noolaa xeryaha IFO.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...