Xog iyo Sawiro laga helay Ciidamo ku dhow inay gacanta ku dhigaan Al shabaab Dhuumaaleysanaya..

Ciidamada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Booliska gaarka ayaa maanta ku dhaqaaqay deegaano hoostagga Degmada Bardaale oo lagu sheegay xubno Shabaab ka tirsan.

Hawlgalka ciidanka oo ahaa mid qorsheysan, maadaama ay ku baxeen ciidanka xog rasmi ah oo ku aadan meelo looga soo sheegay inay Shabaab ku sugnaayeen.

Taliyaha Ciidamada hawlgalada ee Degmada Bardaale Madguud Macalin ayaa Warbaahinta waxa uu u sheegay in deeganadii ay tageen ay ka waayeen Shabaab.

Wuxuu sheegay Shabaabka inay ogaadeen ciidamada huwanta inay ku soo socdaan, islamarkaana ay isaga baxeen deeganadii ay ku sugnaayeen.

Ciidamada Koonfur Galbeed, ayaa maalin kasta sameeya hawlgalo la sheegay inay ku bartilmaameedsadaan Shabaab, balse lama haayo natiijo rasmi ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...