TOP NEWS: Maxaa ka dhalan kara Khilaafka Siyaasadeed ee DF & Siyaasiyiinta Mucaaradka?

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka aya ka digay in Dalka dib loogu celiyo Dagaal Sokeeye, maadaama muddooyinkii dambe ay soo bateen khilaafyada Siyaasadeed ee Dowladda iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka

Waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo jiritaan Qaranka Soomaaliyeed oo uu xusay in loo soo marayay halgan dheer.

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ka fakiraan Mustaqbalka iyo Danaha Ummadda Soomaaliyeed, si loo gaaro hormarada la hiigsanayo.

Hadalka xildhibaankan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ay isa soo tarayeen dhaliilaha ay Dowladda kala kulmeysay Mucaaradka.

Waxaana dadka u dhuun duleela Siyaasadda arrimahaasi ay ku tilmaameen mid xagal daacin karta hormarka ay hiigsaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)