Siyaasiga C/raxman C/shakur oo looga digay Hadalada uu ugu xad gudbayo Farmaajo.

Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia siyaabo kala duwan uga socda kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Odayaasha, Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye iyo CC Shakuur oo dhinac ah.

Kulamadan oo xoogeystay wixii ka danbeeyay deysmada Siyaasiga Mucaaradka CC Shakuur, ayaa waxaa loogu gol leeyahay in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay weerarka iyo xariga CC.

Odayaasha beelaha ayaa CC Shakuur uga digaaya inuu ku fududaado eedeymaha qaar ee aan xadidneyn uu kala dul dhacayo Farmaajo, waxa ayna ugu baaqayaan inaanu ka weecan xeendaabka mucaaradka.

Odayaasha ayaa CC Shakuur u sheegay inay muhiim tahay in la dhowro xadka uu leeyahay Siyaasiga Mucaaradka ah oo ay ula jeedan inaan la oran wax waliba oo dhibaateyn kara hanaanka shaqo ee dowlada aanu u dhicin xadgudub danbe oo ay sameyso dowlada.

Halka arrin ee ugu weyn oo ay Odayaasha ka dalbadeen CC Shakuur ayaa ah inuusan furo u noqon dhinacyada kale ee mucaaradka ku ah DFS.

Sidoo kale, Odayaasha ayaa CC Shakuur kaga digay inuusan ku hadal afka Xisbiyada kale ee mucaaradka, si loo helo isla xisaabtan isla markaana Siyaasi waliba oo mucaarad ku ah dowlada Federaalka wax looga weydiiyo gafka uu u geysto dowlada.

Dhinaca kale, digniinta Odayaasha ayaa imaaneysa xili CC Shakuur uu weli kusii dhiiranaayo inuu furo u noqdo Mucaaradka kale.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...