Howgal Xoogan oo ka socda Muqdisho & W/Gaashaandhiga oo ka careysan Weerar lagu soo qaaday.

Ciidamada Militariga, ayaa xaafadda Oodwayne ee Degmada Dayniile, waxa ay ka wadaan hawgal ammaanka lagu xaqiijinayo, kadib markii xalay weerar lagu qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya.

Weerarkii xalay oo ku bilowday bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa waxaa xigay rasaas xooggan oo ay iswaydaarsadeen dabley ka tirsan Shabaab iyo ciidamada ilaaliya xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya.

Ciidamada illaaliya Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa iska caabiyay weerarkii koobnaa ee ay soo qaadeen dagaalyahanada Shabaab, iyadoo markii dambe ay baxsadeen raggii hubaysnaa.

Saaka ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan ciidamada oo aad u fara badan inay ku faafeen xaafaddaha dhabarka dambe ka xigga xarunta Wasaaradda difaaca Somaliya, halkaasi oo ay ka wadaan Baaritaano.

Dhalinyarada la soo qabtay ayaa indhaha laga xiray, waxaana loo waday dhanka Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo wali hawlgalka halkaasi uu ka sii socdo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...