Hay’ad Caalami ah oo Dalbatay in la Baaro Dilkii loo geystay Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Hay’adda UNESCO ayaa dalbatay in baaritaan lagu sameeyo dilkii Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow ee 11kii Bishan lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Hay’adda waxaa ay sheegtay in dilka Maxamed Ibraahim Gaabow uu ka mid yahay xad gudubyada xorriyadda hadalka ee ka dhacaya Soomaaliya,lagana doonayo dowladda Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameyso dilka wariyahaas.

Agaasimaha guud ee Hay’adda UNESCO,Audrey Azoulay,ayaa cambaareeyay dilka wariye Gaabow waxaana uu xusay in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo baarista weerarka lagu dilay Wariyaha sidoo kalena la xaqiijiyo xorriyadda hadalka ee Soomaaliya.

UNESCO waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ugu halista badan ee wariyayaasha lagu dilo Caalamka,waxaana tan iyo 2005tii lagu dilay 28 Wariye.


Fikradaha Akhristayaasha (0)