DEG DEG: Ciidamada Kenya oo Rasaas ku furay Shacab & Xiisad ka taagan Baled Xaawo..

Magaalada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaa ka taagan xiisad culus oo u dhaxeysa Ciidamada Kenya oo xuduuda ka soo tallaabay iyo dadka shacabka ah ee Magaaladaasi ku nool.

Xiisada oo tan iyo shalay taagneyd, ayaa sii xoogeysatay maanta, kadib markii ciidamada Kenya qiyaastii 100 tallaabo ay ka soo gudbeen xadbeenaadka u dhaxeeya xuduuda Baled Xaawo ay la wadaagto dhanka Magaalada Mandhera.

Shacab badan oo arintaasi ka carooday ayaa isugu soo baxay Magaalada Baled Xaawo, waxaana shacabkaasi rasaas xooggan u adeegsaday ciidamada Kenyan-ka ah.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya rasaas xoogan ay ku kala eryeen dadkii shacabka ahaa ee Magaalada isugu soo baxay, kuwaasi oo ka soo horjeeday doonista ciidamada Kenya ee dhulka Baled Xaawo.

Nabadoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Degmada Baled Xaawo, ayaa wuxuu sheegay in xaaladda Magaalada maanta aad u kacsan tahay.

Wuxuu sheegay haddii masuuliyiinta Gobolka aysan wax ka qaban dhibaatada ka taagan Degmada Baled Xaawo, xaalada ay sii adkaan doonto.

Maamulka Degmada Baled Xaawo, weli kama aysan hadlin dhibaatadan ka taagan Magaaladaasi Baled Xaawo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...