Ciyaarta Shataranjiga oo khilaaf weyn ka dhex dhalisay dowladaha Sacuudiga iyo Qadar.

Dalalka Sacuudiga iyo Qatar ayaa isku maan dhaafay ciyaarta Shataranjiga kadib markii ciyaaryaho ka socda Dalka Qatar ay ka baaqsadeen inay ka qeyb galaan tartanka adduunka ee ciyaarta Shataranjiga oo ka furmeysa magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudiga.

Muranka labada dal oo xiriirkoodu aanu fiicneyn kadib markii ay xiriirka isu jareen ayaa yimid markii xiriirka ciyaaraha Shataranjiga ee Qatar uu shaaciyey inay u suurageli weday ka qeyb galka tartanka caalamiga ah ee Shataranjiga oo ka dhacaya dalka Sacuudiga, taasoo ay ugu wacan tahay in guddiga qabanqaabinaya tartanka ay diideen in calanka dalka Qatar ay qaataan ciyaartoyda reer Qatar.

Tartanka caalamiga ah ee ciyaarta Shataranjiga oo Riyaad ka soconaya 26 ilaa 30ka Decembar ayaa xoghayaha xiriirka ciyaaraha Shataranjiga ee dalka Qatar Maxamed Mudixki ayaa sheegay in arrinta guddiga Sacuudiga ay ku kaceen ay tahay mid khilaafsan sharciga ciyaartaasi , isagoo ku eedeeyay Sacuudiga inuu ku kacay fal aan cudurdaar lahayn oo ciyaartoyda dalkiiisa loogu diidayo calankooda inay kor u qaadaan, loona diiday fiisayaashii dal-ku-galka Sacuudiga.

Dhinaca kale Sacuudiga ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyay eedeynta kasoo yeertay dowladda Qatar, waxayna hay’adda guud ee ciyaaraha boqortooyada Sacuudiga ay caddeysay inay been abuur yihiin hadaladda kasoo yeeray xiriirka ciyaaraha Shataranjiga Qatar, iyadoo intaas ku dartay in fiisayaal ay udireen ciyaaryahanadda Qatar oo aanay jirin wax shuruud ah oo lagu xiray.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...