Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray shirka Wasaaradaha Dastuurka.

Magaalada Garowe waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii 3aad ee ay yeeshaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmahan ka socday Magaaladaasi.

Shirkan waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed ka kooban 12 Qodob oo looga hadlay sida ay u wada shaqeynkaraan wasaaradaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada iyo hanaanka dhamweystirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Qodobada ka soo baxay Shirka Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa u qoran sidan:.

1) Madashu waxa ay uga mahadcelisay Dawladda Puntland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinta shirka sadexaad ee madasha.

2) Madashu waxa ay soo dhaweysay heshiiskii ay gaareen Wasaaradda Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxanabnaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

3) Madashu waxay ay ka mahadcelineysaa ammaanta ay u soo jeediyeen madaxdii ka qaybgashay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho 5tii November 2017.

4) Shirka Madasha waxaa lagu ansixiyay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada sano ee soo socota.

5) Madasha waxaa lagu go’aamiyay daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Bulshada illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.

6) Madashu waxa ay soo dhaweeysay safar hawleedka wadajirka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo labada Guddi ee ku shaqada leh arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ay ku tagi doonaan Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya si ay wadatashi ula sameeyaan madaxda sare iyo Wasaaradaha.

7) Madashu waxay soo dhaweyneysaa qabashada shirweynaha qaran ee daahfurka Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka, kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho horaanta 2018.

8) Madashu waxa ay isku raacday in Guddiga Farsamada ee Golaha Iskaashiga Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya lagu soo daro Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

9) Madashu waxay isla garatay in kulanka afaraad ee madasha lagu qabto magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

10) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS waxaa ka go’an xoojinta wadashaqaynta iyo wadajirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga guul gaaro Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

11) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa kaalinta madaxda sare ee Qaranka iyo sida ay ugu heelanyihiin dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka.

12) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka taageeradooda ku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...