Xulka Qaranka Germany Oo Ku Guulaystay Koobka Confederations Cupka, Da’yartii Uu Tababare Low Soo Xushay Oo Xulka Qaranka Chile Iyo Aduunka Ka Yaabsatay.

Xulka qaranka Germany ee da’yarta u badnaa ayaa ku guulaystay koobka qaaradaha aduunka ee FIFA Confederations Cupka kadib markii ay ka yaabsateen kooxda khibrada badan lahayd ee xulka qaranka Chile waxayna kooxda labaad ee xulka qaranka Germany ka yaabsatay aduunka iyaga oo dalkooda u soo hooyay guul ayna waligood gaadhin.

Gool uu da’yarka Lars Stindl xulka qarankiisa Germany u dhalyay qaybtii hore ee finalkii tartankan ayaa Germany ugu filnaaday in ay ku qaadaan koobka halka Chile guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda xulka qaranka Germany ee loo arkayay in ayna lahayn khibrad ay iskaga caabin karaan Chile.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN: 

CHILE:Bravo; Isla, Jara, Medel, Beausejour; Diaz; Aranguiz, Hernandez; Vidal; Sanchez, Vargas.

KAYDKA:  Rodriguez, Silva, Fuenzalida, Mena, Puch, Valencia, Sagal, Roco, Herrera, Gutierrez, P.Diaz, Toselli

GERMANY:  Ter Stegen; Mustafi, Ginter, Rudiger; Kimmich, Rudy, Goretzka, Hector; Draxler, Werner, Stindl.

KAYDKA:  Emre Can, Brandt, Younes, Wagner, Sule, Henrichs, Leno, Demirbay, Plattenhardt, Trapp

Xulka qaranka Germany ayaan ciyaarta qaab ciyaareed fiican ku bilaaban iyada oo xulka qaranka Chile uu markiiba ahaa kan laga filayay goolka furitaanka. Xulka qaranka Chile ayaa dardar fiican ku bilawday waxaana garoonka iskugu soo galay ragg oo ciyaartoy Chile ah iyo wiilal oo xulka qaranka Germany ah waxaana bilawgii ciyaarta loo arkayay in Germany uu dhibaato wayn dhexda kaga jiro.

Laakiin wax kastaaba hal mar oo kaliya ayay isbadaleen kadb markii uu xulka qaranka Germany daqiiqadii 20 aad ka faa’iidaystay waxaan lagu tilmaami karin qalad oo uu sameeyay difaaca Chile ee Marcelo Diaz kaas oo si aan micno lahayn kubbad ugu lumiyay da’yarka deg dega badan ee Timo Werner kaas oo abuuray fursadii gool dhalineed ee ugu sahlanayd intii uu tartankani socday wuxuuna goolka  Chile oo banaan uu kubbada u hordhigay isla da’yarka kale ee Lars Stindl  kaas oo kaliya u baahday in uu kubbada xariiqda dhaafiyo.

Ciyaarta ayaa noqotay 1:0 uu xulka qaranka Germany hogaanka kula wareegay laakiin ma rumaysan kartid sida ay Chile u ahayd xulka qaranka goolka furitaanka laga filanayay iyo sida ay markaliya Germany goolkan ugu hormareen, waxa uu noqday gool ka soo horjeeda aragtidii aduunka iyada oo Alexis Sanhez uu ahaa xidiga loo arkayay in uu shabaqa Germany gaadho kadib fursado fiican oo uu helay.

Haddii loo arkayay in ragga xulka qaranka Chile ay kabaha la dulmari doonaan wiilasha uu Joachim Low soo xushay waxaa aragtidan badalay laabda wiil ee da’yarka ah ee  Timo Werner oo fadeexad u soo jiiday difaaca  Marcelo Diaz halka uu si xun dhulka u dhigay Claudio Bravo iyo waliba Lars Stindl  oo dhaliyay goolkiisii abid ugu sahlanaa.

Xulka qaranka Chile ayaa u dagaalamay in ay iska soo celiyaan goolkan looga naxsaday ee ay qaladka wayn ku lahaayeen laakiin waxay qaybtii hore ee ciyaarta ku fashilmeen in ay helaan fursadi ay ku gaadhaan shabaqa goolhaye Ter Stegen waxaana lagu kala nastay 1:0 ay wiilasha da’yarta Germany gacanta sarre ku lahaayeen.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Chile soo laabteen iyaga oo doonaya in ay marka hore la yimaadaan goolka barbaraha si ay ciyaarta ugu soo laabtaan wuxuuna macalinka Chile daqiiqadii 53 aad sameeyay badalkiisii ugu horeeyay waxaana ciyaarta dibada laga dhigay xidigii goolka Germany hadiyada u bixiyay ee  Diaz making iyada oo kaydka loooga yeedhay Leonardo Valencia.

Xamaasada ciyaarta ayaa noqotay mid aad u kacsan iyada oo Gonzalo Jara uu nasiib ku lahaa in aan kaadhka cas loo taagin kadib markii uu xusulkiisa si xun ugu dhugtay Timo Werner laakiin sidoo kale xidigaha isku kooxda Bayern Munich ah ee Arturo Vidal iyo Kimmich ayaa ku sigtay in ay garoonka ku dhex dagaalamaan.

Xaalada ayaa marba marka ka danbeeya ku sii xumaanaysay xulka qaranka Chile iyaga oo ay ku sii adkaatay in ay hore u helaan goolka ay doonayeen in ay ciyaarta dib ugu soo laabtaan laakiin daqiiqadii 74 aad Vargas ayaa helay fursad fiican oo uu qarankiisa goolkan ugu keeni lahaa basle goolhaye Ter Stegen ayaa Germany goolkan ka badbaadiyay.

Da’yarka Germany ayaa muujiyay adkaysi badan iyaga oo Chile xaalada ku sii xumeeyay waxayna dhinacooda ka raadinayeen goolka labaad ee kalsoonida. Wax kasta oo uu xulka qaranka Chile sameeyay waxaa la soo gaadhay dhamaada waqtigii rasmiga ahaa ee 90 ka daqiiqo waxaana wali hogaanka 1:0 ku haya Germany balse waxaa Chile la siiyay 5 daqiiqo oo dheeri ah oo ay ku raadiyaan goolka barbaraha halka Germany ay shantan daqiiqo ka xigtay koobka in ay ku guulaystaan.

Ugu danbayn xulka qaranka Chile ayaa si rasmi ah ugu fashilmay in ay la yimaadaan goolka ay ciyaarta waqtiga dheeriga ah ugu diri kareen waxayna Germany ilaashadeen goolka kaliya ee ay qaybtii hore la yimaadeen taas oo keentay in xulka qaranka Germany uu ku guuulaysto koobka qaaradaha aduunka ee FIFA Confederations Cupka.

Haddii uu xulka qaranka Germany ee ay da’doodu ka hoosayso 21 sano jirku ay dhawaan ku guulaysteen Euro U21 waxay markale kooxda labaad ee uu xulka qaranka Germany u soo xulay tababare Low ay ka yaabsatay aduunka iyaga oo muujiyay in magacyadii waa waynaa ee laga yimid aan la xusuusan doonin waxayna sidaa ugu guulaysteen koobka qaaradaha aduunka iyaga oo Chile ka yaabsaday.

 

Xigasho : laacibnet.net


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...