DAAWO LAYAAB: Xildhibaankii 17 Xaas Guursaday, Gabadhii uu Halka Habeen Qabay & Guurkiisii Malxiisadiisa……

Xildhibaan Nuur Cabdi Kariin oo kamid ah xubnaha Barlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay Arimo dhif ah oo ka dhaca gudaha Soomaaliya taas oo ah inuu hal mar isla guursaday Gabar iyo Malxiisadii arooskiisa.

Nuur Cabdi Kariin ayaa soo guursaday 17 haween ah isagoo Allah uu ka siiyay caruur ka badan 50, laakiin arimaha yaabka leh ee uu ka sheekeeyay waxaa kamid ah inuu hal habeen labo xaas oo mid malxiisadiisii aheyd isla guursaday.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Gabar uu ka guursaday Muqdisho uu kaliya qabay hal habeen, halka uu sedex sano oo xabsi ah uu muteystay xiligii dowladii militeriga kadib markii uu ku xad gudbay Xeerka Qoyska.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGIISA

https://youtu.be/L0W8T8_tTTM

Mar la weydiiyay in haatan uu sii wadayo guurka iyo hadii uu ku ekeyn doono sedex xaas oo uu haatan qabo ayaa yiri “Bahalka Libaaxa la yiraahdo hadii xataa uu duqoobo oo uu ilka beelo ciridka ayuu mar-marsiiyaa, marka aniga inta aan awood leeyahay guurka ma joojinayo”

Laakiin dumarka Soomaaliyeed ee dhalinyarada ubadan maanta laguma soo hadal qaadi karo in lala guursado, hadii ay taas dhacdana waxaa badan inuu dumo reerkaas ama dhibaato kale dhacdo…..


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...