Aabayaasha Da’da Ah Oo Dhala Carruur Garraad Sare Leh (akhriso)…..

Daraasad cusub oo soo baxday ayaa lagu sheegay in aabayaasha da’da weyn ay dhalaan caruur ka caqli badan kuwa ay dhalaan aabayaasha da’da yar, daraasaddan ayaa lagu ogaaday in caruurta ay dhalaan aabayaasha da’da weyn uu culeysku ku yaryhay iyo cudurada dhanka nafsiga ah.

Cilmibaarisyo hore loo sameeyay ayaa tilmaamayay in caruurta ay dhalaan aabayaasha da’d weyn ay u nugul yihiin cudurada qaar sida; Autism-ka iyo schizophrenia, laakiin daraasaddan cusub ayaa sheegaysaa in caruurtan ay leeyihiin meelo ay kaga sarreeyaan asaagood oo ah aqoonta iyo shaqada.

Cilmibaarayaal ka tirasan King’s College London ee UK iyo iskuulka caafimaadka ee Ikan ee ku yaalla dalka Mareykanka, ayaa waxay ay isla eegeen shaxda dhaqanka iyo aqoonta 15 kun oo caruur ah, iyadoo caruggu jira 12 sanno laga qaaday imtixaan dhanka internetka ah oo lagu qiyaasayo garaadkiisa aqooneed, waxyaabaha uu xiiseeyo iyo dad la dhaqankiisa. Iyadoo macluumaadkaa adeegsanaya ayaa waxay qiyaas ku sameeyeen heer IQ ee carug kasta xilliga waxbarashada.

Cilmibaaristan oo lagu faafiyay joonraalka caafimaadka ee “Translational Psychiatry”, ayaa waxaa lagu ogaaday in caruurta ay dhaleen aabayaasha da’da weyn ay ka badan yihiin dhanka IQ ardayda kale ee ay dhaleen aabayaasha ka da’da yar.

Sidaas oo kale caruurta ay dhaleen aabayaasha da’da weyn ayaa la ogaaday iney kuwa kale kaga sarreeyaan dhanka “Xisaabta, Sayniska, Tiknoloojiyadda, iyo Engineerinka”.

Si kastaba, cilmibaaristan ayaa ah mid dhiirigelinaysa dadka doonaya iney xilliyo dambe caruur dhalaan, kadib marka ay gaaraan yoolkooda nolosha.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...