Ciidamada Dowladda Oo Loo Keenayo Darees Aysan Sahal Ku Heli Karin Al-shabaab

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Xog hoose oo ay heshay wakaaladda wararka ee Lifaaq.com ayaa waxay sheegeysaa in ciidamada dowladda Soomaaliya markaan loo keeni doono dhar ay adag tahay iney helaan Al-shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa darees gaar ah u sameyneysa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana dareeskaan uu ka duan yahay kuwii hore, waxaana sidoo kale uu leeyahay Lambar tirsi qarsoon.

Tusaale haddii Al-shabaab lagu helo dharkaan waxaa si sahlan loo helayaa xogta cidda leh waxaana fududaaneysa in la helo meesha laga qaaday iyo cidda qaadday.

Waxaa tani loogu talogalay in aan lagu wareerin Al-shabaabka xirta Tuutaha iyo kuwa dowladda oo marar badan dhacday ciidan loo maleeyay kuwa DFS oo Shabaab noqday.

Waa tallaab wanaagsan oo haddii ay dhacdo ciidanka iney helaan darees gaar ah, waxaa sahlanaaneysa in la kala aqoonsado Al-shabaab iyo ciidanka xoogga dalka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)