SAWIRO: Haweeneey Hinaastay oo Gabdhaheeda toogatay & Ninkii qabay oo baxsaday..

Aabaha ka dhalay gabdhahan oo lagu magacaabo Jason ayay waxa ay isku qabteen guurka mid ka mid ah gabdhaha oo ay hooyadu aad uga soo hor jeeday.

Gabdhaha ayaa lagu kala magacaabay Madison (17-jir) iyo Taylor (22-jir), waana tan weyn mida dooneysay in ay guursato wiil ay isa soo caashaqeen.

Maalinimadii Jimcaha ayay dabin u dhintay Aabaha iyo labadiisa gabdhood, waxaa ay ugu yeetay “shir” khaas ah oo ay reerku yeenayeen, waxaana ay dabadeed diyaarsatay qori ay ka dhaxashay awowgeed.

Aabaha oo warbaahinta uga warbixinayay dhacdadan ayaa sheegay in uu u qaatay shirkaasi mid ay Christy Sheats ku dalbaneyso furriin ayna rabto in ay ku wargeliso labadeeda gabdhoos.

Balse markii lasoo wada fariistay ayay waxa ay doonatay qorigeeda, iyadoona rasaas oodda uga qaatay gabdhaha oo keliya.

Mr. Jason ayaa intaa ku daray in ay usoo carareen dibedda isaga iyo gabdhihiisa iyagoo dhaawac ah balse ay hooyada ka dabo timid islamarkaana ay dhameystirtay.

Falkan ay ku dhaqaaqday hooyada ayuu ku sheegay mid ay isaga ku colaadineysay islamarkaana ay doomeysay in uu adduunka ku dhibaatoodo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hooyada ayaa ku dhimatay rasaas ay isweydaarsanayeen booliska oo goobta soo gaaray.

h-1

 

h-2


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...