Aqriso Kitaabka Quraanka Kariimka Kadibna Hel Shidaal Lacag La’aan ah (Daawo Muuqaal)

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Shirkad Shidaal oo laga leeyahay dalka Indonesia , ayaa bilawday bisha barakeesan ee Ramadaan fursado ay dadku ku heli karaan shidaal lacag la’aan ah, waxaana kaliya ku xiran in shidaal lagu siiyo in aad aqriso Quraanka Kariimka.

Fursadan ay soo bandhigtay Shirkadan ayaa waxaa ka faa’iideestay darawalo badan oo wata gaadiidka kala duwan iyo Mootooyinka, kuwaa oo quraanka aqrinaya kadibna loogu shubayo shidaal lacag la’aan ah.

Qofkii aqriya Hal Juz oo kamid ah Quraanka Kariimka ayaa la siinayaa 2-litre oo shidaal lacag la’ana ah, waxaana shirkadan ay dadku u sameesay masjid yar ay ku dukadaan sidoo kale ay quraanka dadku ku aqristaan.


Halkan ka Daawo Muuqaal ahaan


Fikradaha Akhristayaasha (0)