ALBAABKII JINNIGA: W/Q:-Cabdullaahi Cabdi Muuse YamYam….

waxay ahayd abbaare saqdii dhexe markii uu qoyska reer Geedi uu ku soo
biiray wiil yar oo loo bixiyay Raage. qoyska reer Geedi waxay ka
koobnaayeen sagaal caruura, Hooyadood, aabahood iyo Raage  oo ah
yaraanka reerka. halka ay daganyihiin reer Geedi waa meel baadiye ah,
oo kaymo badan, sidoo kale buuraley ah. dadka noloshoodu waxay ku
tiirsantahay beeraha. Geedi oo ah aabaha Raage waxa uu leeyahay beer
wayn oo ay ka baxaan dhamaan qaybaha dalaga. meesha waxa wada daga
qabaa’ilo farabadan oo cadaw isku ah. markuu dagaal dhaco waxay kala
dhacaan L’oda, sidoo kale waxay kala gubaan beeraha. Raage waxa uu ka
dhashay mid kamid qoysaska ugu tabar yar deegaanka. tiro dhowr ah baa
gabood fal lagula kacay isaga iyo qoyskiisa.

Waxay ahayd xilli barqo ah markii Geedi iyo wiilkiisii yaraa ee Raage
oo beertooda falanaya uu u yimid oday hogaamiye-beeleed  u ah mid
kamid qabaa’isha laga baqo ee ku caan baxay dhaca, kufsiga iyo dilka.
odaygii wuxuu dhinac u la baxay Geedi. wuxuu u sheegay inuu maanta ugu
yimid inuu labadiisa gabdhood ee waawayn uu siiyo, si uu ugu guuriyo
labadiisa wiil. Geedi xaaladu waa ku adkaatay, waayo horay ayuu
labadaan gabdhood u siiyay labo wiil oo uu walaalkiis dhalay, taaso
jirta ninkaan hortaagan looma sheegi karo waxaas; waxbana looma diidi
karo. Geedi asagoo qalbigiisu gubanyo ayuu wuxuu bixiyay jawaab
baqdini keentay “waan ku siiyay” ayuu yiri. odaygii wuxuu ugu war
celiyay hawraarsan birri fog baan kuugu imaanaya. Raage wuxuu ahaa
wiil yaroo aad u caqli badan, isla markiiba wuxuu fahmay wel-wel ka
iyo walbahaarka aabihiis lasoo noqoday. Raage isagoo qaylinaya wuxuu
yiri “Aabo ma sidii sanadkii hore buu naga rabaa boqol kiish oo baad
ah markuu dalagu noo soo boxo”. Geedi oo wili hoos fiirinayaa ayaa
wiilkiisii yaraa wuxuu ku yiri maye aabo wuxuu doonanyaa inaan siiyo
Cawo iyo Cosob. Raageoo aad u naxay ayaa aabihiis ku celiyay Cawo iyo
Cosob!? haa aabo. Geedi maalintaas waxay ku noqotay maalin masiibo
wadata, oo maxay masiibo u wadan wayday, soo tan birri fog labada
gabdhood laga rabo. oo marka muxuu usheegi doona walaalkiis iyo
labadii wiil uu adeerka u ahaa oo gabadhaha uu horay u siiyay? isagoo
galab gaabkii geed wayn hoos fadhiya waxaa halkaas uga muuqday saddex
fardood oo soo kadlaynaya, labo geesha ayay xigtaa midna dhexda ayuu
ku jiraa. faraska dhexda ku jira wuu ka yara dheeryahay fardaha,
midabkiisu waa Caynab(madow), si heer saraysa buu u kooraysanyahay,
waxaana saaran nin laba lafood ah oo gar guduudan watana laba gaashaan
iyo seef. Geedi oo markii hore u qabay marti ayaa wuxuu ogaaday inuu
yahay hogaamiye-beeleed kale . la isa salaan xooga beeraha iyo lo’dana
la iska waraysay, in canshuurtii laga qaadi jiray la kordhinayana loo
sheeg Geedi. Geedi oo indha ilin kasocoto wuxuu yiri “war nin yahow
sanadkaan dalaga soo go’aya wuu yaraanayaa, taas waxaa ugu wacan in
xoogii reerka qaar meesha ka baxayo labo gabdhoodna la iga soo doonay,
waxaana iga ka xaysanaya birri wayrax”. intaas markuu maqlay oday
Colaad, indhihii baa guduutay oo dhibic dhiiga noqoday, oo waa uu
dawakhay, wuxuuna ku sigtay inuu sara jooga ka dhaco. asagoo qaylinaya
wuxuu yiri ” war waxa safarka intaa le’eg aan u soo galnay waa Cawo
iyo Cosob, adna waxaad na leedahay nin baan siiyay labadaa gabdhood.
ama aan caawa kaa kaxaysto ama anigoo biri fog dagaal usoo diyaar
garoobay baan indhihiisoo shan ah ka xaysanaya”. Geedi talaa ku
cadaatay garay in birri jilibaha la isku aasi doono. dhiiga daatana in
asagu masuul ka yahay. cid talo ka dhagaysanaysana ma jirto oo waa
dadka la xaqiro. Wuxuu yaqaana   Wayrax iyo Colaad mid walba. waa laba
oday oo kala hogaamiya labo qabiil oo aad u tiro tayo badan. boqolaal
sana isa soo dagaalayay. mid walba wuxuu leeyahay dagaalyahano muuqda
laga baqo.

Colaad  waxa uu isla habeenkii guure ku galay dagaankoodii, isagoo isu
gu yeeray waxgaradkii meesha joogay, wuxuu u sheegay in dagaal aan
innaba caadi ahayn uu cidda ku soo fooleeyahay,
wuxuu yiri ” waxaan caawa idinka doonaya in si deg-deg ah la ii gu
diyaariyo ciidan ka kooban todobo boqol oo wiil, -afar boqol waa inay
fardoolay ahaadaan; labo boqol waa inay ciidamada lugta ahaadaan iyo
boqol ah “bar-baarta laga baqo”.

“bar-baarta laga baqo” waa boqol wiil oo agooma ah, mid walba aabihiis
wuxuu dhintay isagoo bil jira ama uurka ku jira. aabayaashood waxay ku
dhinteen dagaalo ay qaadeen qabiilku iyo kuwo lagu soo qaaday iyaga.
waxaa muddo laga joogo labaatan iyi lix sano noloshooda ka faalo
qaaday Guhaad. Guhaad wuxuu ahaa abaanduule aad loogu yaqaanay dhanka
khiddada dagaal dajinta. waxa uu ka xeeyay caruurtan iyagoo da’doodu
tahay toban jirro. waxa uu geeyay dhul wayn oo laba buurood u
dhexeeya, halkaas oo uu ku tababari jiray maalinkii oo dhan.
“bar-baarta laga baqo ” saddexda waqti hal wa wakhti bay wax cuni
jirern, waqtiga intiisa kale wuxuu u ahaa orod, shiish barasho iyo
qaabka seefaha iyo falaaraha oo is wata loogu dagaalamo. qaarkood waxa
ay ka boodi jireen faraska oo cirkaa maraya.

muuqaalkoodu waa rag mad-madow, indho guduudan, oo haraga iyo maqaarku
isku dhaganyahay.qofkii ay kasoo hor baxaan aad ayuu uga baqaya
muuqaalkooda. waana taas sababta loogu bixiyay ” bar-baart laga baqo”.
tababarka jimsiga ah waxaa u dheer tababar nafsi ah oo ruuxdooda lagu
la hadlo, Guhaad waxa uu u sheegi jiray inay deegaankooda,
dhaqankooday iyo dadkoodaba difaacaan. waxa kale oo u sheegi jiray
raggii aabayaashood dilay magacyadooda. waxa uu ku dhiiri galin jiray
nin walba inuu aar kuto.

Ciidankii uu codsaday Colaad isla habeenkiiba waa loo diyaariyay.
waxayna degaanka ka baxeen saqdhexe iyagoo xilli danbe gaaray
degaankii ay ku noolaayeen Cawo oyo Cosob. labadaan gabdhood, waa labo
gabdhood oo aad u caqli badan magacoodana laga yaqaano degaankoo dhan
, tiro dhowr jeer ah waxay fureen xujooyin ay odayaal isku xirteen.
tii u darnayd waxay ahayd mar oday shagaashan jira uu dadka waydiiyay
su’aal una balanqaaday qofkii sheegay toban neef oo lo’ ah. waydiintu
waxay ahay “YAA SHEEGI KARA QOFKA INDHOOLKA AH MARKUU WAX ARKO”.
waxaana la siiyay muddo laba asbuuc ah dadka. dadkii deegaanku aad bay
ula yaabeen su’aashan, wayna ku adkaatay jawaabteedu. malintii la
balamay baa waxa la isugu yimid meel fagaara ah. odaygii baa kor u
qayliyay wuxuu yiri “haye yaa haya su’aashaydii”. markii dhowr qof ay
isku dayeen garana waayeen baa waxaa soo istaagtay Cosob waxayna tiri
” qofka indhool ka ah markuu wax arko waa markuu riyoonayo, waana inuu
yahay qof aan indhoolnimada ku dhalan”. meeshii hal mar baa waxaa is
qabsaday sacab, qaylo iyo mashxarad. waana maalinta loo qiray
gabdhahaan hibada ilaahay siiyay ee caqli badnaanta ah. waana taas
sababta Colaad iyo Wayrax mid walba uu udoonayo in labadaan gabdhood
qalakiisa dhanna u dhaafin, oo ay wiilashooda siistaan.

dhanka kale waxaa abaabul ciidan isna wada Wayrax, Wayrax isagu Colaad
waa uu ka ciidan badan yahay, oo waxaa hareer taagan sagaal boqol oo
wiil oo si heer sare ah u qalabaysan. walow uusan haysan bar-baarta
laga baqo oo kale. taasina wa halbeega isku dheeli-tiraya laba ciidan.
oo bar-baarta laga baaqo waxay u dhigmaan labo baqol oo ciidana.

Subixii danbe Geedi  waxa uu hurdada ka kacay hiirta waabari, si uu
meesha uga fogeeyo caruurta iyo haweenka. ileen waa meel balo isku
hardindoontee. balse damaciisa waxaa beeniyay Colaad oo ku yiri ” waxa
aan u dhimanayno waa Cawo iyo Cosob, hadii aad wabiga ka talaabisid oo
aan guulaysano- golayba guusheenu waa mar la hoogay oo la ba’ay. xagee
baan u raadinaynaa gabdhaha” Geedi wuxuu ku khasbanaaday inuu halkiisa
iska joogo. iyagoo wili wada hadlaya waxaa meel ili-ku-wareertay ah ka
muuqday boor cirka isku shareeray oo ka imaanaya qoobka fardaha ee
sida xoogan dhulka ugu dhacaya, waana ciidankii Wayrax. Colaad intuu
hal mar booday oo ciidankiisii u qayliayay buu wuxuu u hor kacay
dhankaas iyo goobtii dagaalka.

Goobta dagaalku ka dhacayo waa barxad wayn oo wayn, dhanka shishe waxa
ka mara wabi aad u biyo badan. barxadu waxay ku caan baxday magaca ah
“Fagaaraha Geerida”. waa meel boqolaal sano la is ku dagaalayay, hadba
waxaa is ku laaya labadii qabiil oo biyaha hoostooda iska dhex arka.
haddaad dhex istaagto  Fagaaraha geerida waxaad arkaysaa boqolaal
madax iyo lafo dadeed ah; seefo kala jabay si loogu dagaalamayay; ciid
guduudatay si uu dhiig dad ugu daadanyay.

Labadii ciidan waxay isku heleen fagaarihii geerida. malintii koobaad
gabbalkaa ugu dhacay say isu laynayeen, labada ciidan midna waa la
dhaqaajin waayay.
maalintii labaadna waa la is galay, xilli ay  ku beegantahay
barqooyinkii baa waxaa lala haaday oo baabah laga dhigay  ciidankii
Colaad, Colaad waxaa dhankiisa dhintay afar boqol oo wiil oo aan wili
curan. Wayraxna waxaa ka dhintay saddex boqol oo masoo jeestayaal ah.
Maalintii saddexaadna dagaalku wuxuu bilowday cirkoo xidiguhu soo
jeedaan, waxay islaayaanba Wayrax waxaa usoo haray labo boqol kaliya,
halka Colaad -na ay u soo hareen “bar-baarta laga baqo” oo kaliya.
casar gaabkii baa la isku rogaal celiyay, oo fooda la is daray mar
labaad waa “bar-baarta laga baqo” iyo labadii boqol.meeshaas waxa
qaylo iyo boor ka dhacaya; cida fardaha iyo seefaha isku dhacayana
dheeryihiin ma malayn kartid. “bar-baarta laga baqo” waxay muujiyeen
wacdaro lala yaaba. qaabka ay u dagaalamayaan, bootinta, qaab weerarka
difaaca wata. waxay halkaa ku dileen dhamaan ciidankii kasoo horjeeday
iyo Wayrax  iyagana halkaas waxaa lagaga reebay sideetan iyo shan ka
mid ah iyo Colaad

shan iyo tobankii kale waxay aadeen reer Geedi  si ay u ga sii ka
xeeyaan gabdhihii loo soo  dagaalamay, Geedi markii uu ogaaday in
labadii oday dhinteen, wuxuu damaaciyay inuu gabdhaha isku dhajiyo.
“bar-baarta laga baqana” markay arkeen go’aanka uu qaatay Geedi,
iyaguna waxay goosteen in reerka gabigiisaba ay tirtiraan. waxay
madaxa kawada gooyeen dhamaan qoyskii reer Geedi, marka laga reebo
Raage oo u baxsaday dhanka kaymaha jiq-da ah. waxayna maydkii qoyska
ku gureen Wabiga, ilayn aktooda ragg naxariis taal maahe.

Bar-baarta laga baqo waxay bilaabeen inay raad-raacaan wiilkii yaraa
ee Raage ahaa. Raage markii uu kaynta galayba waxa uu fuulay geedwayn
oo barde ah. “bar-baarta laga baqo” waxay isu qaybiyeen labo rac. qayb
wiil-ka yar ka baadi goobta dhulka buuralayda ah, iyo qayb kaynta ka
baarta. saddexdii nin ee loo xilsaaray inay kaynta ka baaraan judhii
iyo ay kaynta soo galeen-ba waxay soo hoos istaageen geed-kii bardaha
ahaa ee uu Raage saarnaa, halkaas oo ay ku lafa gureen qaabkii ay
hawl-galka u guda gali lahaayeen. sidoo kale waxay ku hishiiyeen inay
halkaan isugu yimaadaan markay soo dhameeyaan baadi-goobka, hawshoodii
bay bilaabeen iyagoo geed walba iyo surin walbaba ka raadinya wiilkii
yaraa, ilaahay amarkii judhii ay dhaqaaqeenba Raage waxa uu ku soo
dhacay dhulka baqdintii haysay awgeed, intaas waxaa u dheeraa inuu aad
u gaajaysnaa, habeenkii oo dhanna uu soo jeeday. cabaar haduu dhulka
ku raftay, waxa uu ahaa nin ad-adayg u dhashayee isla markiiba boorka
intuu iska jafay buu geedkiisii fuulay. raggii baadi-goobkii way ku
soo daaleen, waxayna isugu yimaadeen meel Barxad ah. midbaa hadloo
wuxuu yiri ” war waa anagii ku hishiinay inaan isgu nimaano geedkii
bardaha ahaaye waa see xaalku?” waa runta intay ugu warceliyeen bay u
dhaqaaqeen dhankii Bardaha. isla markii ay soo istaageenba waxay
arkeen in balo meesha ku gal-galatay, yaab iyo amkaag baa kasoo
haray!!. geedkii bay kor u fiiriyeen waxbana way arki waayeen maadaama
geedku ahaa mid si aad ah laamihiisu isugu dhex baxeen. bartii bay is
tuureen oo yara seexdeen.Raage kor buu yara fiiriyay mise Mas wayn oo
abris ah oo geeso leh afkana xunbo kasii daynaya baa laan korkiisa ah
kasoo dagaya. aduunkiiba wuxuu ku noqday wiilkii yaraa “adigoo hoyan
la’ ma laguu soo hargalay”. Raage wuxuu bilaabay inuu laamihii
waawaynaa ee geedka ruxo, inuu mar istaago marna fariisto, wuxuu ku
sigtay inuu qayliyoo sarajooga ka dhaco. Raage wuxuu ogaa in hadii uu
qayliyo in ay toosidoonaan bar-baarta laga baqo kadibna ay kadaba
gayndoonaan qoyskiisii uu ka haray, sidoo kale wuxuu ogaa in hadii uu
meesha sii fadhiyo abriskaan uu hal mar laqayo, balse hal adaygiisii
wuxuu go’aan ku gaaray inuu meeshiisa fadhiyo oo uu abriskiisa “qado”
isaga noqdo. abriskii wuxuu kusoo dhawaaday Raage. Raagana markuu
arkay in bahalku dhowr taago usoo jiro waaba uu suuxayba. abriskuna
umaba socdo wiilkan yar, ee hoos buu wuxuu ka arkaa hilbo ka badan
hilbaha wiilkan yar. abriskii dhulkuu udaadagay oo si saf mar ah u
qaniinay raggii meesha hurday. “bar-baarta laga baqo”  mid kama kicin
hadde waa mid.

Dhanka kale raggii iyagu ka baarayay dhanka buuraha waxay aad uga
raadinayeen dhanka godadka, hadba siday god u galayeen, markii danbe
waxay dalaq soo dhaheen good aad u af wayn aadna u dheer. judhii ay
galeenba waxay arkeen lafo iyo madaxyo dadeed, gacmo iyo lugo go’an oo
meesha daadsan, show godguba waa god libaax. ” aqal libaax lafo laga
ma waayo” bay soomaalidu ku maahmaadaa. tii baa haysata raggaan. waxay
socdaan godkii hulaabta ahaa dhexdiisa waxay luga hooda ugu tageen
toban libaax oo taag taagan. wixiiba la is arkay. raggani rag libaax
lagu bajiyo maaham oo waad raggaad taqaanay. xilligu wa casar liiqii,
oo qoroxdu way sii dhacaysaa. tobankii aar-na wax weerar ah masoo
qaadin, oo waxay damacsanaayeen markay qoraxdu dhacdo inay si wacan
ugu casheeyan raggaan. haddana ay cagta u dhigaan illayn waa ragg
warmo, seefo iyo gaashaanba watee oo laguma deg-degi karo. raggi
iyaguna way fahmeen waxa uu damacsanyahay libaaxu. talo baa ku
cadaatay, mid jirta waa inaysan godka ka bixi karin, oo hadii xatta ay
baxaan iyagoo meel dhexe maraya bay qoraxdu dhacaysaa. waxay go’aan
sadeen inay halkood joogaan. xaalku wuxuu noqday “ragg shir lagama
daayo”. dib bay isugu noqdeen oo shir deg-degoo nafta lagu
badbaadinayo bay yeesheen, kii waynaa ba u taliyay oo wuxuu yiri ” war
nimanyahow xaalku suu yahay waad ujeedaan, libaaxuna wuxuu
damacsanyahay markay gudcur noqoto inuu gabigeenaba nacuno.
habeenkiina waad ogtihiin waran la tuuray noo soo noqon mayo,
dagaalkuna waa daba dheeraan karaa. anigu waxaan ku taliyay inaan
dhagax gurano, dhufays-na galno kii noo soo dhawaadana aan boqol
dhagax hal mar kuwada dhufano”.  ragii kale hawraarsan bay ku soo
dhaweeyaan taladaas. libaaxyadii iyagu halkaas meel ah bay taagan
yihiin. oo waxayba kaga dhagantahay “ninkii balaayadaada raba,
bawdkaagu qori ka jabsadaa”.

Qoraxdii way dhacday mugdigiina wuu bilwday, roob mahiigaan ahna waa
yimid, cirkii iyo dhulkii baa is qabsaday. libaaxiina dinaahyayn buu
bilaabay.markii cida libaaxyada, onkodka roobka, biriqda dhacaysa iyo
mugdig jira ay isku darsamaan godkoo dhan baa gariiraya. mar iftiinka
hilaacu usoo galay godka , ragii waxay arkeen in libaaxyadu hadda soo
dhaqaaqeen. markaasay woxoodii bilaaben. tuuryo iyo halkaad bay
raaxada uga qaadeen. “Colka waraf ma lagu dayay”  bay xaajadii
gaadhay. bal libaax dhagax ku dhacay muxuu ka tari?
mar labaad buu hilaacii iftiimiyay godka mise libaaxyadii shan tilaabo
wax ka yar bay u soo jiraan. ragga qaar baa dhagaxyadii gacanta ay ku
hayeen tuuri waayay, qaarna indhaha bay siin waayeen libaaxa,
kolkaasay indhaha isku qabsadeen qaar. taasina waa burjiga ilaahay ku
galladay libaaxa. ma waxaana hal-hal laagu cashaynbaa.

Raage, si nabad ah buu geedkii uga soo dagay, wuxuu soo dul maray
raggii oo ay si fiican u gashay waabaayadii masku, midbakoodii waa uu
is badalay, aadna waa ay u barareen. waxa uu cagta saaray wado mari
jirtay jiinka wabiga, isagoo aad moodid inuu akhrinayoo meerisyadii
abwaankii soomaaliyeed ee ahaa:

– amarkii ilaah iyo waqtiguba waa wax kaa awood badane,

– Nin anbaday halkuu aaday way ula e koonaydee

-Anigoo arkayaan toggii
eeriggoo xulaye

wuxuu wadadii saarnaadaba qoraxdu markii ay kululaatay wuxuu ku yara
leexday geedwayn oo canbe ah oo ka baxay wabiga geeskiisa. halkii buu
iska harsaday oo xabad canba ah oo geedka kasoo dhacday iska cunay.
isagoo bartii fadhiya wuxuu meel fog ka  arkay wax madow oo biyaha
dushooda sabaynya, wixii marba marka kasii danbaysa way usoo
dhawaadaan ilaa ay aktiisa soo mareen. isna wuxuu lugaha kula jiray
biyaha wabiga. wixii buu ul kusoo qabtay, mise waa labadii madax ee
Cawo iyo Cosob. wuu iska ooyaa oo qayliyaa, balse cid meesha joogta
malahan aan ka ahayb daanyeero, shinbiro iyo yixaas wabiga ku jira oo
mar soo hunguriyeeyay isaga laftiisa.

Meeshii buu kasii cararay oo wadadii wabigaba wuu ka dagtay, si aysan
mar labaad uga soo horbixin madaxyadii hooyadiis iyo aabihiis. isagoo
ooyaya ordayana, baa meel uu qof bini aadan ah uusan ka malaysanayn
waxaa uga soo hor baxday islaan dheer oo qurux badan oo ku labisan
dhar uusan wiligiis xitta riyo ku arag. way qabatay oo hab bay siisay
( laabtay ku qabatay), ilintiina way ka tir-tirtay, labada dhabana way
ka dhunkatay. waxay ku tiri ma I garanaysaa? wuxuu yiri eedooy maya.
waxay tiri ma xasuusataa muddo hadda laga joogo afar sano, oo
deegaanka abaar daran ka dhacay? haa buu yiri. waxay tiri ma xasuustaa
Maso cagaleey/Abeeso cagaleey, joogi jirtay beertiina oo aad maalin
walba biyo siin jirtay? haa buu yiri. islaantii waxay tiri “iyadii
baan ahay, tan kale anigu eedadaa maahi Jinni baan ahay. maalin aan
rabay inaan idin soo booqdo anoo qof u eg, waxaa taas iidiiday xaafada
akteeda dagaal aan innaba caadi ahayn baa kasocday, hadana Maso
cagoleey/Abeeso cagaleey baan is ka dhigay gurigaan tartiib u soo
galay, isla markiiba waxaa soo galay wiilal waxay wada hadleen aabahaa
iyo qoyskiinii, wayna is afgaran waayeen, halkaas baa qoyskiina lagu
dilay waan u jeeday inaad carartay, intaas waan kudaba socday si aan
kuu badbaadiyo, markii aad geedka saarnayd ee ragga ku raadinayana ku
hoos hurdeen anaa usoo diray maskii  waynaa si uu u cuno. maskaasna
daris baan nahay, oo waan isla qaraabanaa.

Raage iyo islaantii jinniga ahayd waxay isku raaceen halkii ay
daganayd islaantu. islaantu waxay u sheegtay raage meesha ay
dagantahay in ay dadka caadiga ah ee asoo kala ah ay u socdaan saddex
bari, laakin iyagu ay u socdaan afar daqiiqo wax ka yar, Raage waxaa
uu dareemay cabsi asagoo aad uga wal-walsan islaantaan iyo hawlaheeda,
waxaa uu ilaa iyo hadda layaabanyahay oo cabsi ku abuuray,
sheekooyinkii ay xaloo dhan uga sheegaynaysay, waxay uga sheekaysay
sheeko uu aad uga baqay, waxay ku bilowday ” waxaan dhashay muddo
hadda laga joogo afarboqol oo sano ka hor, hooyaday waxay dhashay hal
habeen aniga iyo sideed kale, waxaan ku dhalanay geedwayn korkiis,
nasiib daro geedkaas waxaa hoos daganaa reero insi ah, waxay dhaleen
caruur aad u dhib badan, maalin maalmaha ka mid ah  hooyaday iyo
anigoo qaraab tagnay bay caruurtoodii waxay laayeen walaalahay oo
dhan, , go’aan waxaan ku gaarnay inaan aar goosano, nasiib darro anagu
dadka ma qaniino, balse waxaan la hishiinay mas aad u sun badan oo
qofkuu qaniino lagama soo rogo, waxaan u balanqaadnay inaan
caruurtiisa la korin doono, hadii uu caawa reerkaas nabar xun
gaarsiiyo. asna wuu soo dhaweeyay taladeena, waan xasuusta waxay ahayd
habeen roob da’ayo, markii aan israacnay saddexdayaduba, masku wuxuu
ahaa mid aad u dheer, geesihiisuna ay soo qaloocdeen oo miciyo
dhaadheer. saan u soosocanay reeka gurigiisii baanu nimid, isagu
hawshiisii buu bilowday, reerku waxay hurdeen daarada guriga, wuxuu ka
bilaabay odaygii reer ka oo ishuu ka qaniinay, habartii iyo laba ag
hurday isku mar buu qaniinay, anagii aad baan u baqnay. dhiig, oohin,
iyo qaylo baa is qabsaday. dariskii baa soo yaacay oo waxay dileen
maskii iyo hooyaday, ana goobta waxaan uga baxsaday faro ciddiya leh.
aroortii waxaan usheegay maskii degaanka ugu waynaa; asna wuxuu wacad
ku maray inuu degaankaan looga guuri doono. isagoo balantiisii
fulinaya habeen walba wuxuu cuni jiray dhowr qof ilaa deegaankii oo
dhan looga qaxay”.

Waagii baa baryay, islaantii waxay ku tiri Raage, indhaha isku qabo,
wuu isku qabtay, hadana kala fur bay tiri. markii uu kala furayba
wuxuu ku jiray guri aad u wayn oo wada dhalo ah, guriga waxaa joogay
oday waayeel ah, waxaana ku hareeraysnaa dad tiro badan, odaygu wuxuu
barayay dadka sida mar abeeso la isaga dhigo marna qof. Raage  meel
gees ah buu ka daawanaya siday hawshu u socoto. wuxu mar abeesay
noqdaan, marna dad. aad buu u baqay Raage. Raage waxaa u timid gabar
dhanka hoose maso cagaleey/abeeso cagaleey ka ah, dhaka sarana qof ka
ah. waxay ku tiri “waxaa kuu yeeraya awoowe”. Raage isagoo gariiraya
buu odaygii wayeelka ahaa soo hor istaagay, odaygii wuxuu ku yiri “soo
matihid wiilkii biyaha siin jiray gabadhayda” haa buu yiri, odaygii
wuxuu yiri ” maanta waan kuu abaal gudaynaa, waxaan kusiinay gabadhaan
ee guurso” Raage aad u u naxay markuu odayga ka maqlay guur iyo
hawlahaas wuxuu maqli jiray “balaayo guursay ku tiraahdaa ama guur”.
asagay maanta haysataa balaayadaa. Raage  isagoo qalbiga maya ka le,
buu afka wuxuu ka yiri haye waan guursanaya.

Gabadhii baa loo dhisay, habeenkii arooska subaxiisii waxay dhashay
sagaal ciyaal ah oo gaagaaban timana aan lahayn. subixii markuu soo
baxay asagoo warba aan hayn buu xafadii sodohdii aaday, irida markuu
galay wuxuu arkay abeeso dhabacan guriga, yaab iyo amakaag baa kasoo
haray, abeesadii gurigay ku noqotay, waxaaba soo baxay islaan leh
“eedo Raagow ii waran, maxaa xalay kuu dhashay? ” suu yiri “yaah!!
dhalasho maxay ah” dee eedo caruur. suu yiri eedo gabigayaguba xalay
baanba is aroosnay. intay qososhay bay tiri “orod xaafada ku noqo war
ma haysidee”. Raage intuu jidka marayay waxaa u tacsiyaynayay jinniyo
kale waxay lahaayeen ” aad baan uga xunnahay dhibaatada kusoo gaartay,
inaad xalay sagaal caruura kaliya dhashay, hebel (wa mid jinni ah)
xaluu aroosoo waxaa u dhashay sagaal iyo labaatan”. Raage markii uu
xaafada tagay waxaa kusoo yaacay sagaal caruura, asagii naxdinta haysa
wadnihiisa garaaciisa waxaa laga maqlayaa dibada.Raage wuxuu maqli
jiray dadkoo dhaha heblaayo waa lix bilood  iyo way sagaal buuxisay,
ee baladaan halkii mar qabiil dhan dhalaysa muusan arki jirin. Raage
caruurtii  inuu dhalay buuba inkiray, magaaladii oo dhan warkaas wuu
gaaray, jinnigii waxay ku sheegaystaan | war ninkaan ma waalanyahay,
sagaal ciyaal ah kaliya buu dhalay, meeshuu aadi lahaa awoowe oo kasoo
ducaysan lahaa in ilaahay caruurta u badiyo oo taranta u furo buu
inkiraad bilaabayba | hawshii waa adkaatay, guddi odayaal ah baa
galay. markay hawshu halkaas marayso carqalad kale baa soo baxday
taasoo ah in odayaasha reer jinni  ay makhribkii kaliya kulmaan oo
shirka isugu yimaadan inta kale wallay ka tahay baadan il saarayn
maantoo dhan haddad magaalada ka raadinayso. Raage oo suu reerkan
xidid ula noqdayba aan waligiis makhrib soo bixin baa habeenkii danbe
shirka is keenay, meesha shirku ka dhacayo qurux badanaa, gabigeedubaa
waa wada muraayado dhayman ka samaysan, kuraasta taal waa dahab,
kobabka wax lagu cabayo iyaguna waa dahab. shirkii waa noo furanyahay
buu yiri oday u hadlayay jinniga. shirka ajandaha looga hadlayo waa in
raage la ogolaysiiya in uu caruurtaan aabahood yahay, gabadhana uusan
ceeb u soo jiidin. Raagana wuxuuba taagan yahay ” war hal habeen xatta
ilamo dhicis ah laguma dhalee, waa maxay dee sagaalkan, ilma
adeerayaalow ragg waa kii is fahmee aan isfahano hortee”. shirkii waa
la is ku mariwaayay, wakhtiigana waaba uu dhacay oo waagii baaba baryi
raba. cabaar haddii la aamusnaa waagii baa baryayba. markii waagii
baryay Raage aduunkii uu joogay midaan ahayn buuba arkay asagoo dhex
dabaalanaya, wuxuu is arkay asagoo dhex fadhiya meel qashin-quba,
markii ugu danbaysay ee daartii wada muraayada ahayd uu joogay, wuxuu
gacanta ku hayay koob dahaba oo biyo ku jiraan, laakiin hadda wuxuu
gacanta ku hayaa daasad ay ka dhamaatay yaanyo-shiishiid, Raage wuxuu
go’aan ku  gaaray inuu meeshaan isaga baxsado oo tuulooyin ka agdhawaa
oo Insi daganaa uu aado.

Raage wuxuu isaga baxsaday deegaankii jinniga isagoo afka saaray tuulo
ka xigtay dhanka bari. tulaada uu aaday Raage  waxaa ka dhisnaa
boqortooyo aad u wayn, oo gu’yaal badan soo jirtay, boqortooyadan
waxay leedahay xeerar aad u qalafsan, tuladaan waxaa ka taliya boqor,
boqorkaan waa nin aad u caqli yar laakiin waxaa la taliye u ah nin la
yiraahado Nageeye oo aad u caqli badan. Nageeye boqorku aad buu u
jecelyahay, waa midoo kuma soo hunguriyeeyo boqortooyadiisa, waa tan
labaado, waxa uu siiya talooyin aad u wanaagsan xilliyada adag sida
markay soo waa jahdo xaalad dagaal ama abaar, sidoo kale Nageeye wuxuu
alifaa sheekooyin markaasuu boqorka u mariyaa, ka dibna boqorku intuu
shacab-waynaha meel isgu keeno buu sheekadii uga sheekeeya, sidaas
bayna dadku ku aamineen in boqor-koodu yahay nin ilaahay maskax iyo
maamul wanaag ku galladay.

Tuuladaan tiro dhowr jeer ah waxaa duulaan kusoo qaaday boqortooyooyin
u dhawaa, walow weeraradaas dhamaantoody ay kusoo idlaadeen fashil,
waxaana ugu wacanaa in tuuladu ay u dhisnayd qaab istiraatiijiya,
tuuladu waxay bartanka kaga jirtay afar buurood oo waawayn, waxay
lahayd hal albaab oo laga soo galo taasoo u sahlaysay maamulka
tuuladaan inay si fudud uga guulaystaan cid walba oo soo weerarta.
dadka tuuladu waxay ahaayeen dad aad u tiro badan, dadku waa
tarmayeen, tuuladuna wax koritaana haba yaraatee ma samaynayn, waxaana
ugu wacnaa buuraha ku wareegssn tuulada. dadku waxay u badnaayeen
haadayba wada ahayn dadka aan waxba haysan, kaliya waxa ay ku
noolaayeen xoogaa dalag ah oo sanadkiiba  mar kasoo go’ijiray
beerahooda. dhanka kale qoyska reer boqor iyagu waxay ku noolayeen
nolol aad u sarysa, guriga boqorka waxaa wax looga cuni jiray weel
dahab ah, caruurta reer boqor iyagu waxay aamin sanaayeen in dadka
tuulada iyaga un adoomo u yihiin, waxaa dhacday maalin gabar reer
boqor ah in ay is maan-dhaafeen wiil gaganacsanjiray qoryaha dabka
lagu shito (xaabo), aad ayay u murmeen ilaa gabadhii ay wardiyaheedii
ku amartay in ninkaan loo ka xeeyo loona geeyo Xerada ciqaabta.
“Xerada ciqaabta” waa dayd wayn oo dadka lagu jir-dilo laguna dilo,
waxaa yaala fuustooyin aad u dhaadheer oo ay ka buuxdo saliid kulul,
waxaa jooga dad qaba xanuunka juudaanka oo hilibka iyo dhiiga dadka
quuta, qof walba oo amar diido, madax-taag iyo wax walboo liddi ku ah
qoyska reer boqor ku kaca halkaas baa hoy u ah. wiilkii qoryaalaha
ahaa, oo waxa uu soo shaqeeyo ay ku tiirsanaayeen qoyskoodu waxa uu
muddo saddex bari ah ku jiraa Xerada ciqaabta, inkastoo wili aan isaga
lagu ridin saliida kulul, waxaana ugu wacanaa in dhamaan fustooyinku
buuxeen oo dad kasoo horeeyay ay ciqaabta uga horaynayeen. isaga waxaa
ciqaab ugu filnaa in subax walba mid aktiisa fadhiya la kiciyo oo
saliida lagu rido, balse waxaa u darnaa markii wiil ay qoryaha isla
soo guri jireen oo uu meesha ugu yimid subixii danbe lala kacay. waxaa
lagu yiri waryaa dadka hortooda ka cadee danbigaaga, suu yiri ” anoo
caruur baahan subax kasoo tagay, oo shaqo u ordaya, baan waxaan orod
ku dhaafay faras uu saarnaa wiil boqorku dhalay, aad buu iiga daba
qayliyay oo wxuxuu lahaa | waryaa ma adoo adoon ah baad iga
hormaraysaa, war dib usoo noqo adaan kula hadlayaaye|. anna
socodkaygii baan sii watay, si aan qoryaha horay ugu soo guro,
caruurta oo aan dhowr bari wax cunina raashin ugu soo gado” kii xooga
waynaa oo dadka saliida kulul ku ridi jiray wuxuu yiri “danbi wayn
baad gashay maadaama wiil reer boqor ah aad hadalkiisa iska
dhaga-tirtay”. intii la xir-xiray baa isagoo cod murugo ku
dheehantahay ku dhawaaqaya oo leh ” war caruur baa iga baahnayd, war
caruur baa iga baahnayd” baa lagu riday saliidii kululayd. cabaar
haduu saliidii ku jiray waxaa lasoo saaray lafo hilib aad u yar ay ku
dhaganyihiin, waxaa fuusto walba agtaan dad-cun sugaya inuu feento
lafaha dadka. dadcunkii fuustadii lagu riday agtaagnaa baa dafay
lafihii wiilka ka dibna fiinasho ku bilaabay.

Nikaan isagu ciqaabtiisu waa ay ka adagtahay dadkale, maadaama u si
toos ah ula murmy gabadhii boqorka. waxaa la ciqaabi jiray dadka
aroorta hore, balse ninkaan waxaa loo dib dhigtay duhirkii iyo markay
qoraxdu soo kululaato, waa aduunyee siday saacadba saacad ugu
gudbaysay waxaa la gaaray xiligii qoraxdu u kululayd, meel halkaan ah
waxaa karkaraya fuustadii lagu ridi lahaa, sidoo kale waxaa aktaagan
dad-cunkii dafi lahaa markii lasoo saaro. saddex nin oo aad u xoog
waawayn ba qaaday, mid wuxuu qabtay lugaha, midna dhexda, kii
saddexaadna madaxuu qabtay, waxay kor geeyeen fuustadii saliida kulul
ku jirtay  madaxaana loo galiyay asagoo aad u qaylinaya, hal mar baa
dadkii ciqaab-sugayaasha ahaa iyo xitta dad-cunkii sugayay hilibkiisa
qayliyeen. halkaas buu ku dhintay wiilki awooda loo sheegtay.

Raage asagoo jidka ordaya wuxuu la kulmay dad safar ah oo u socda
tuuladuu u socdo, aad bay u soo dhaweeyeen. qaar baa waxay lahaayeen ”
ilaahay baa ku furtay heblaayooy”.
Raage, soo dhawayntaas iyo hadalkaan ah ilaahay baa ku furtay
heblaayooy dareen iyo waxay ku abuurtay in meesha wax ku jiraan.
marka waxaa jira xeer ka yaal galida tuulada. tuuladu hal-ka albaab oo
laga galo waxaa ku agyaal god aad u wayn, godkaas albaabkiisa waxaa ku
xardhan far dhowr boqol oo sano ka hor lagu qoray oo ah  “Albaabkii
jinniga” . godkaas waxaa degan mas wayn iyo jinni, waxaa jira hishiis
qadiimiya oo ay kala saxiixdeen maska iyo jinniga oo isku dhinac  ah
iyo boqorka hadda tuulada haysta awawgiisii tobanaad  muddo laga joogo
hadda lix boqol oo sano ka hor hishiis-kaas waxuu dhigayay “maska iyo
jinnigu inay nabad galiyaan tuuladan dadka ku nool, taas badalkeeda
safar walba oo soo gala tuuladan in qof looga reebo uu cuno masku”

Raage wuxuu isku dayay inuu waraysto dadka laakiin qofna uma waramin
oo waxaa hadalka loogu soo gaabiyaa ” balo ma jidho”. wixii losocdaba
markii ay muuqdeen buurihii waa waynaa ee tuulada ayaa xaalku wuxuu
noqoday ” qabri iyo nin loo wado lama kala qariyo”
oday wayn oo dadka safar ka ah ku jiray ayaa raage ku yiri ” wiil
kaygiiyow waxaan ku khasbanahay inaan runta kuu sheego, tuulada aan u
socono la ma galo ilaa qof lasiiyo maska wayn iyo jinniga,  markii
hore qori-tuur ku wuxuu u soo baxay gabadhayda, balse markaa timid,
xaalku wuxuu noqday | geeri nimaanad aqoon iyo geel-jiray ku
roontahay|. waxaanu go’aan sanay in maska iyo jinniga adiga laguu
reebo”. Raage talaa ku cadaatay, oo meel uu ka noqdo iyo meel uu u
noqdo midna ma garanayo. waxaa lasoo gaaray buurihii iyo Albaabkii
jinniga. Raage waxaa loosoo diray shan nin si ay u xir-xiraan kadibna
godka ugu tuuraan, raage taas wuu diiday, dagaal buuna ka xigsaday.
wuxuu u sheegay dadkii inuu asagu godka gali doono, dadkii aad bay ula
yaabeen ninkaan geesinimadiisa. Raage wuxuu bilaabay inuu u socdo
dhankii godka, indhihii dadkuna dhamaan waxay fiirinayaan halyaygaan
geesi-ga, sidii uu u socday godkii buu dalaq yiri, halmar baa waxaa
isla kacay wiiq-waaqdii fiid-meertii darbiyada godka ku dhaganayd,
jinnigii ogaa in godka uu soo galay hadyadii todobaad laha ahayd ee
maska, walow masku xilligaa hurday, dadkiina ogaa in ninkii meel aan
laga soo noqon karin tagay. judhii uu galay godka Raage wuxuu arkayba
dad jinni ah, waa lasoo dhaweeyay waxaana la geeyay xaafada
jinni-dheeree, jinni dheere waa ninka maska u geeya qofka godka lagu
soo tuuro, Raage la kulanka jinniga kuma cusba hadda, luuqadoodana wax
un buu ka yaqaana. Raage wuxuu Af-jinni ku salaamay jinni-dheere,
jinni-dheere aad buu ula yaabay ninkaan, waxa uuna go’aan saday inuu
ninkaan waraysto ka hor inta uusan caawa soo toosin masku,
jinni-dheere waxa uu yiri ” war bal ii waran ninyahow rag waa kii is
waraystee”. Ragee waxaa uu u sheegay jinni-dheer inuu yahay nin
wakhtigu iyo waayuhuba ka hiiliyeen, wuxuu u sheegay dhibtii uu soo
maray, in qoyskiisii hortiisa lagu laayay, inuu gabar jinni ah
aroosay, inay hal habeen sagaal ciyaala u dhashay, in caruurtii uu in
kiray, in odayaal jinni ah gartii galeen, odayaashu inay dhanka gabdha
u janjeereen, iyo wixii dhexmaray asaga iyo jinniga. jinni-dheere waxa
uu waydiiyay gabadha ina ayaheeda. balse Raage waa uu dhaafin waayay
aabaheed. marka jinniga abtiriskooda waxaa laga soo bilaabaa gadaal
ilaa aad keentid magacaaga (hadii aad jinni tahay oo lagu yiraahdo
abtirso, waa inaad awowgaaga lixaad kasoo bilowdaa ilaa aad keentid
magacaaga). jinni-dheere markiisu u waramay Raage una sheegay inuu
yahay Ugaaska beesha reer jinni ee halkan daga, wuxuu u sheegay
ingabadhuu Raage qabay ay walaashiis tahay. halkaas waxaa kasoo baxay
nin iyo seedigiis, xaaldu in mas la is ku geeyo waa ka fogtahay, raggu
waa xidid, xurmo iyo xishood bay kala mudanyihiin. Jinni-dheere wuxuu
kula taliyay Raage in uu meesha isaga baxsado, waxuuna tusay god
qarsoodi ah oo banaanka u furan. Raage meeshii waa isaga baxday isagoo
ogaaday guurkii jinniga inuusan uga darin, oo yaa badbaadin lahaa
maanta? seedigiis buu ku cayntay mooyee. Maskii waa soo kacay isagoo
gaajaysan, maska waxay is fahmaan Jinni-dheere kaliya. waxaa uu u
sheegay maska in nin lagu soo tuuray godka deetana baxsaday, maskii
aad buu cartay, xaaldu waxay ku noqotay maska ” la hel, la waa baa ku
xigta”, isagoo caraysan buu isaga noqday godkiisii.

Raage waxa uu kasoo baxay godkii yaraa oo ku beegnaa buurta
dhaladeeda, cabaar buu taagnaa oo hoos buu u fiiriyay tuuladii, mise
wuxu dad badanaa yaab iyo amkaag baa kasoo haray. mid ka mid dadkii
tuulada baa arkay wax ka muuqda buurta dhaladeeda kuna beegan
Albaabkii jinniga, dadkii buu tusay, dadkii waa yaabeen, qofba qofbuu
tusay ilaa boqorkii la tusay, dadku waxay ku sheekaysanyeen” war waa
jinni maanta soobaxay, oo qof isu soo e kaysiiyay, illaa qof meeshaa
galay masoo noqdee”. Raage wuxuu bilaabay inuu soo dago dadkiina
baqdin baa gashay oo waxay moodeen jinnigii oo balantii ka baxay,
Raage waa uu soo dhawaaday ilaa uu sooba dagay. wuxuu soo galay
tuuladii oo dhan oo sugaysa. dadku waxay u fiirinayaan si aan caadi
ahayn, isagiibaaba yaabay oo leh war see wax u jiraan reer tuulaadku
masaasay isku fiiriyaan inkaar qabayaashu? Raage askar baa qa-qabatay
waxaana la geeyay gurigii boqorka, boqorkii baa waraystay, Raagana
wuxuu uga waramay waayihiisii halganka iyo hagardaamada ku dhisnaa.
boqorkii aad buu jeclaaday ninkaan caqliga badan, waxa uuna u sheegay
in maanta wixii laga bilaabo gurigaan uu ku noolaanayo. Raage waxaa
lagu daray askarta boqortooyada ilaa uu  heer sare ka gaaray. Raage
wuxuu ahaa buundada isku xirta jinniga iyo boqortooyadaan. Raage wuxuu
gaaray heer uu jinnigii ka dhaadhiciyo inay kusoo biiraan
boqortooyadan oo awood-qaybsi loo ogolyahay. jinnigii wuxuu kusoo
biiray boqortooyadii, golihii wasiiradana waxbaa laga siiyay, sidoo
kale dhankooda waxay ku caawiyeen boqortooyada ciidan aad u badan.
boqortooyadu awal iyadaa lasoo weerari jiray iminkase iyadaa wax
weerarta, oo waxayba ku shaqeeyan qaaciidadii ahayd  ” difaac waxaa
ugu wanaagsan inaad wax weerarto” oo intaad wax weerarayso adiga un
baa la iska kaa difaacayaa mooyee cidina kusoo hunguriyaynmayso,
laakiin maalintaa difaac uun gasho adiga wax laga soo raadinayaa.

Raage, waxay is jeclaadeen gabar uu dhalay boqorkii, boqorkiina aad
buu u soo dhaweeyay xiriirka dhexmaray Raage iyo gabadhiisa. boqorkii
waxaa soo qaniinay bahal isagoo maalin ugaarsi jira, xanuunkii waa uu
ku darnaaday boqorka ilaa uu u dhintay. boqortooyadiina waxaa la
wareegay Raage. qaabkii sodogii wax u maamuli jiray wax waym buu ka
badalay, dadka waxuu usheeegay inay simayihiin, oo qofna qof ka
sarayn, dadka tuulada aad aad bay u jeclaayeen boqorkooda. Raage waxaa
uu gaaray da’da sagaashan iyo todob waxa uuna aduunka uga tagay dhaxal
wayn oo ah buugiisii caanka ahaa ee “dhalashadaydii iyo
dhimashadaydii” waxa uu ka koobanyahay buugan lix boqol oo bog. dadka
tuuladuu aad bay u jeclaayeen buugan oo way akhrisanjireen waayihii uu
soo maray boqorkoodu. tuuladii waa ay waynaatay kadib markii buurii la
jajabiyay buurihii caqabada ku ahaa oo waxay noqotay magaalo wayn.

W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse (YamYam)

Gaalkacyo Soomaaliya

kala soo xiriir qoraaga
facebook: Cabdullaahi Cabdi Muuse

Email: abdulahiyamyam@gmail.com

Dhamaad


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...