EYGAN WAA JARMAL, EE ADIGU YAA TAHAY? (SHEEKO GAABAN) W/Q: Mohamed Musa Sh.Noor

EYGAN WAA JARMAL, EE ADIGU YAA TAHAY?

Goobtu waxay ahayd goob laga dhamo ama laga cabo Caanaha Geela, laga yaabee in aad la yaabto goob dhan oo Dad inta isugu yimaadaan u soo doontaan Cabidda caanaha geela, waliba sida Biibitooyinka laga cabo Shaaha oo kale u camiran, kama marna cabidda ama iibinta shaaha goobta aan ka hadlayo.

Aniga oo ah Qoraha sheekadan ayaa u Caana doontay goobtaas, marka aan tilmaamayo meel Geela caanihiisa laga cabo waa in aad u garataa goob aan geela laga helin, oo waddanku waa waddan shisheeye kana mid ah Waddamada Africa.

Markii aan goobta imaaday oo dhiibtay dalabkayga ku saabsanaa caanahaa ayaa waxaan arkay qof sidaa ii eegaya waliba ii eegaya sida qof i yaqaan oo kale, waxaan isku dayay maadaama garashada wajigiisa aan isla markiiba soo qaban waayey in aan ka rogto indhahayga oo daymada badan ee uu ila wadaagayo aanan la wadaagin maadaama aan ka baqayey fashil dhinaca is aqoonsiga ah lacalla haddii ay dhacdo in uu qofku noqdo qof aan aqaan, balse aan soo qaban waayey wajigiisa.

Runta waxey ahayd in aanan aqoon waligeyna arag, jiritaankiisa shaqsinimana ay galabta kow ii ahayd, wax aan ka sheego ama aan ku tilmaamana ma aqoon, sidaa darteed, waxaan galay is moogeysiis iyo in aan Sheeko kale oo agteyda ka socotay Dhagaha u raaracsho.

Aniga oo sidaa baa iskaga indha tirayey, balse, wax yar kadib waxaa isku dhacayey indhaheena oo qof walba dareenkiisa ayaa gaar u ahaa, isaga waxbuu tabayey, wuxuna ka fakareyey halka uu ka bilaabi lahaa sheeko uu doonayo in uu ila wadaago, balse, sababta uu iila wadaagayo iyo waxa ku kallifay iyo kalsoonida intaa la eg ee uu ku doortay in uu sheeko wadaag ila noqdo warba uma hayn, isagana waxay u ahayd mid uu ka fakaryo qaabka uu u bilaabi lahaa.

Qof walba waxbaa ka guuxayey xagiisa, anigana Difaac kale ayaan ku jiray maadaama waayadan ay igu badatay wax la dhaho Xusuus tiran, oo dadka qaarkii aan isla soo kornay muddo marka aan moogaadaba aan wajigooda soo qaban waayo, balse magacooda marka la ii sheego iyo halkii ay ka daganaayeen xaafaddeena ama goob aan aqiinay aan markaa dib u xusuusto, balse, garashada nuucaas ah ma ahan mid dadka farax galisa, maxaa yeelay, waad dareemi kartaa qof aad taqaanid oo marnaba aadan is lahayn wuu ku hilmaamayaa haddii uu ku hilmamo misana magacaaga marka aad u sheegto uu kusoo qaban waayo ilaa aad darbiyo badan ka booddo si aad isku garansiiso qofka aad tahay.

Mararka qaar waxaa ku qabanayso marka ay arrin sidaas oo kale ah ku qabsato in aad is waydiiyo sababta kallifaysa in naftaada aad sidaa ugu sharraxdo qof isagaba iska kaa hilmamay hadana wax dan ah oo sidaas ah aadan ka helayn is sharraxaadda aad iska bixisay nafsiyan.

Waxba yaana hadalka idinku daalin wax la is eegaba wuxuu markii dambe dul yimid halkii uu kursigayga yiilay, wuxuuna lasoo booday “ninyahow wajigaaga iguma cusba dadkuse waa isku wada ekaan karaan, ee waxaan ku waydiin lahaa ma tahay Mohamed Musa Sh. Noor”?

Hadda ayey ka dartay, waxaa isoo ag fadhiistay qof magacayga i waydiinaya, waa wixii aan ka cabsanayey, anigana magiciisa ma aqaan xitaa meel kuma sheego, wajigiisana ma arag inta aan Dunida ku noolaa,  xitaa Qof shabaha haba sheegin!

Aniga oo yaaban xoogaana Ceeb ka xishood ah ayaan iri “haa walaalkey, adiguna yaad ahayd? Hadda ka hor ma is aragnay, waan kusoo qaban la’ahay xagee isku aragnay kollayba nin I yaqaana waa tahee”

Si dagan ayuu iigu yiri isma arag waligeen mana kulmin, balse Shaashadaha Caalamka ayaa ina kulmiyey oo xagaas ayaan kaala socdaa waan ogahay in aadan i aqoon, ina dareemi Karin, waligaana ima aadan arag, ee waxba xagaa ha isku buurinee Barasho wanaagsan Mahad Cali Saalax ayaa la I dhahaa, gacantana wuu iisoo dhiibay isaga oo salan ku muujinaya.

Neef ayaa iga soo fuqday aniga oo Leeb la iga siibay ayaan gacantayda xagiisa u raaracshay kuna iri “magacayga waa sida aad sheegtay barasho wacan walaakey, waana kaaga mahad celinayaa in adiga oo shaashad iga arkay aad i aqoonsato, waansa ka xumahay sida aad ii aqoonsatay kuuma aqoonsan iga raali noqo walaakey”.

Halkii ayey sheeko gaaban oo is barashadeena ah ka bilaabaty, wuxuuna ii shegay in uu ku nool yahay xagaa iyo South Africa, hadana meeshan uu u yimid in uu xoogaa Waqti la qaato caruurtiisa iyo xaaskiisa oo meesha dagan.

Aniga sharraxaad dheer ma bixin oo waxaan kusoo gunaanaday hadalkayga in aan goobta u imid shaqo gaaban, kadibna aan uga laaban doono xagaa iyo Kenya oo ah meesha ay goglantahay Gogosha aan kasoo tooso.

Sheekooyin gaagaaban oo ku saabsanaa Xaaladaha dadkeena Soomaalida ah ayaan xoogaa is dhaafsanay, sida sheekada kolba ay gaddi uga dhaceysayana waa tan ku timid Cinwaanka sheekada oo ku socota ninkan iga soo dhex saaray intaas oo Umad ah, jeclaystayna markii aan xoogaa sheeko wadaagnay in uu ila wadaago sheekadaas, wuxuuna ku bilaabay sidan.

“ Halgan badan oo Nolosha ayaan galay, wuxuuna halgankeyga kasoo bilowday halka ay xudduntayda ku duugantahay waa dalkii hooyo oo Duruufo nololeed ay iga soo wadeen, balse, Alle mahaddii dadaal dheer kadib aan shaqsiyaddayda dib u helay markii aan imid Waddanka aan ka imid waa South Africa.

Shaqo dhan walba ah waan qabtay, mid culus iyo mid fudud, Wajiyo badan ayey kala lahayd shaqadayda,intaas oo dhan waxaan u sameynayay in noloshayda ay is baddasho sidaas si la mid ah dadkayga oo igu xirnaa.

Waxaa mar walba jiray Cudur Caloosha iiga yiil, kaas oo galay aniga oo Shillin haysan habeen walbana ila seexan jiray subax walbana ila soo toosi jiray, cudurkaas waa Cudurka dunshay dhallinta dadkeena, waa Cudurka ii sawiray Nolol aan tayda ahayn. Waa cudurka i kala baray inta Kiilo ,itir ay isku jiraan magaalooyinka caalamka, waa Cudurka Badda ku kor socodkeeda iiga dhigay sida in aan ku kor socdo meel Sallax oo kala ah, waa Cudurka igu riday in aan harsan waayo oo aan dareemo in mar walba wax iga maqan yihiin.

Dunida waa mid nusqaan badan, dhibaato badan, iskuma toosta ah, waa mid fursadaheeda ay kusoo marayaan, balse Duruufaheeda ay hadana fursadaha kaa kala tuurayaan, waxaa isoo martay aniga oo lacag haysto hadana Sharci la’aan ah oo aan talaabo qaadi Karin.

Waxaa kalo isoo martay aniga oo sharci leh hadana shilin uusan iga dhicin, fulinta ama gaaritaanka riyadeyda iyo Daawada Cudurka i hayana ay sanka ii mar marayaan, balse dhaqaalihii lagu hanan lahaa aanan haysan.

Ciil iyo cuqdad ayaan u qaaday naftayda, waxaan Canaan aan jirin mar walba la dul taagnaa naftayda, waxaan is tusiyay dhamaadka noloshayda, waxaan iska dhaadhacshay in aanan nasiib u lahayn gaaritaanka heer la mid ah kan ay Asaagey gaareen, oo maxey asaagey i dheeryihiin? Waa su’aal shaqsiyan inta maskaxdeyda aan iska waydiiyo jawaabta aan aniga isi siiyo, marna aan ku qanco jawaabta aan isi siiyo, marna aanan ku qancin oo dhaliil aan jirin naftayda u dhiraan dhiriyo.

Wax aan sidaa iska ahaadaba waxaa dhacday in aan hanti yeeshay sharcina hela, waa labadii fursad ee isku key qaban weysay noloshayda, haddase isku soo aaday ama isku key qabtay.

Waxaa dhacday in markan aan xoogaa inta yara is dajiyay aruuris ku bilaabay shilimaadkii, aniga oo iska dhaadhicinaya in hadafka aan leeyahay aan gaari doono, balse inta ka horeysa aan samaysto wax xoogaa Ceymis ah, lacala haddii doontu ila shiiddo (micnaha aan Xoolo beelo).

Shaqo adag kadib waxaa iisoo baxay Jaanis aan ku noqon karo ninka aan doonayo in aan noqdo, balse aanan u jeedin ninka aan ahay in aan uga qiima badanahay ninka aan doonayo noqoshadiisa, waasa iska xaal adduun, macaanka ma dareentid ama uma xiistid ilaa qaraarku kaa bato, waana sida ay noqon doonto noloshayda dambe.

Jaaniskii aan gaad gaadi jiray hortayda ayuu is keenay iguna yiri “ Yarka ha i beer dareen, iga faa’iidayso, soo iguma aadan riyoon jirin? hadda ayey kuu tahay gaaridda riyadaada, ee ka faaiidayso, jeebkana gacanta gali haddii aad doonayso in aad i hanato”.

Cajiib! Waxay ahayd farriin ka imaanaysay riyooyinkii aan ku riyoon jiray, iyo digniin uu i siinayay damacii dareenka badnaa ee ii dawaashiin jiray Filimada quruxda badan ee ay naftaydu waheshan jrtay xilliga ay tabayso waxa ka maqan.

Jeebka ayaan inta gacanta juluq ku siiyey baan soo qufay xoogaa fiican kadibna Diyaaradda jalow ku iri, waxaana ka dagey Waddan ka mid ah Waddamada nabarka igu yaala ka midka ahaa, waxaan watay Baasaboor aan aniga leeyahay oo Waddanka aan daganaa aan ka qaatay, balse markii aan diyaarada ku dhex jiray aan Musqusho raacsiiyay si aana la iigu sheegin in aan ahay qoloadaas dibna la iigu celin.

Xoogaa markii aan dhex wareegay Garoonka qaybta lagu sugo Diyaaradaha kale ayaan jaanis u helay in aan gacmaha kor u taago sheegtana Qaxootinimo, Magaca aan ku qaxooti galanaya waa magaca aan u nasab sheegto mid kale haddaan sheegto la ima qaabili doono (SOOMAALI)

Waxaa la ii dhaadhacshay goob lagu sheegay Kaam kadib markii xoogaa la igu hayay Police Stationka, goobta waa goob ahaan jirtay Xero military oo Badda ku ag taala, subixi marka aad soo kacdid waxaad arkayso waa Geedo iyo Bad oo kaliya, wax kale ha sheegin.

Muddo markii aan ku jiray ayaa la i yiri saaxiib waxba kuuma hayno ee naga lugee micnaha waan guul darraystay oo codsigaygii qaxootinimo waaba la diiday, Soomaalinimada aan sheegtay ee ahayna la ii diidoo, waxaa la igu yiri soo caddee.

Haddii aan raadsan laha wax caddeynaya Soomaalinimadaydana, waxaa igu jiro Cudur ah, in haddii la igu helo wax sharci ah dib la ii celin doono, taas oo dhibaato igu ahayd wax aanan aqbali karina igu sii ahayd, marka loo eego Qarashka badan ee aan usoo baxshay in aan halkan soo gaaro.

Inta aan kaamka ku jiray waxaan jaanis u heli jiray galbaha qaar in aan soo booqdo xaafadaha lagu sheegay Soomaalida, niyad dhis ayay ii ahayd oo waxaan jeclaa in aan arko oo maqlo wax igu Af ah ina fahmi kara, dhibka aan tabanayana ila dareemi kara, ilana fahmi kara, in kastoo waxa ay ii qaban karaan ay iska yarayd, hadana Nafis ayaan ku dareemi jiray la jirkooda.

Hebel waa ku furantahay, heblaayo waa dhaanteysay, heblow wuu fakaday, heblaayo waa is xirtay, hebelow waa aamusay, heblaayo waa shidatay, hebelow Qac ayaa ku dhacday, heblaayo waa kartay, hebelow Caawin ayuu u baahan yahay, heblaayo waanafistay.

Intaas oo dhan waxay ahayd Erayo igu cusbaa ee aan ugu imid halka ay riyadayda ahayd, balse waxaaba fahmay Buufiska i hayay ilaa maalintii aan xamar kasoo baxay ilaa maanta in uuba Been ahaa, oo buufiska dhabta ah uuba hadda billow yahay, halkana laga qaado!

Waxaan weydiiyay dadka sababta buufiskan dhalisa, waxaana la ii sheegay in qof walba riyadiisa ay halkan ahayd, wax badan oo uu meeshan ka filanayayna aysan noqon sida uu is lahaa, sidaa darteedna naftu ay qabatay maadaama wax badan laga filayo oo dadkiisa oo dhan ay soo eegayaan, cid ka yeelaysana waxba ma hayo aysan jirin.

Alleylahee warkaas waa i galay, meeshu waa tahay wax buufis laga qaado, waa meel Baraka daran, waa meel Warqado ordaya ay kuu soo dhacayaan, marna aad adiga lasii ordayso, inta aan arkay ee Dad ah, qaarna Warqado ayey ka ordayeen, qaarna waa lasii ordayeen oo iga fogee ayay ahayd.

Inta aan is dhiibidda ku jiray wax badan oo aanan jeclaysan ayaan la kulmay, Nin sharfoon oo qiima leh ayaan ahaa, haddase waxaan noqday Nin la qaawiyey oo dabadiisa inta foorarso la yiri toosh lagu ifiyay, isaga oo sida hooyadiis ku dhashay ah. dumarka askarta ahn ay fiirsanayaan xubintiisa Taranka nuuca ay u taalo, ayaga oo mararka iskula kaftamayay oo ma sidaa buu u yaalaa Geedka Raga Soomaalida, dhagahayga wax badan ayey qabanayeen oo aanan jeclaysan, wax badan oo aanan dooninna Danta ayaa igu qasabtay samayntooda.

Waxaa dhacday in sida aan kolba meel isaga dhiibayay meel walbana la iiga soo cayrinayay in aan kolkii dambe soo caga dhigto Jarmalka oo ahayd goobta iigu dambeysay ee aan go’aanka ku gaaray haddii la iga qaabili waayo in sida aan ugu laaban karo goobtii ay hantidayda iyo sharaftayda tiil aan ugu laabto, waa jaaniskii iigu dambeyey.

Kolkii aan u kallahay goobtii la iska dhiibi lahaa oo gacanta aan u galay askartii waddanka ayaa waxaa dhacday dhacdo aanan filaynba, taas oo ahayd in xabsiga la ii taxaabo wax qaxootinimo ahn aan la i siin oo la igu yiraahdo waddankan sharci darro ayaa kusoo gashay.

Waxaan ku dooday haa waa run, balse, waxaan ahay Qaxooti aan Dal lahayn, markaas ayaa la igu yiri dalka aad sheeganayso soo ma tihid, aaway caddeyntii ahayd in aad Soomaali tahay? Caddeyn waxaa ii ah luuqaddayda ayaan ku doodaa, kolkaas ayaa la igu yiri Luuqad caddeyn ma noqoto ee wax document ah ma haysataa?

Jawaabta aan baxshay waxay ahayd dhiigayga iyo dhalashadayda ayaa ii ah caddeyn, kolkaas ayuu Askari Jarmla ah inta Foodda madaxayga qabtay igu yiri “ Eeygan waa jarmal, waxaan haynaa Shahaadada dhalashadiisa, kaarkaas qoorta u surana waa teesarihiisa aqoonsiga ama aqoonsigiisa Jarmalka ah, wuu sii waday hadalkoo wuxuu igu yiri Darajo ayaa ku taxan garbihiisa waxa uu yahay iyo heerka uu ka taagan yahay bulshada jarmalkana waa mid la kasayo, marka uu dhoofayana wuxuu leeyahy wixii sharci ahaa ee uu ku dhoofi lahaa, adiga Eeygan ayaa ku dhaama, saa waxa uu yahay waanu ognahay, adigase kuma garanayno.

Waxaan ku iri Eey iyo Qof Bani aadam ah ayaad Is garab dhigaysaa aniga waxaan ahay waan ahay halka aan rabo aan ka imaado, Sharci yaanan haysan, Aqoonsi kalana yaanan lahaaan, balse in aan ahay qof Bani aadam ah waa kuu muuqataa, qof walba Xaqa uu leeyahay waa in aad garataa, Eeyga waa Xayawaan, Xaq buu leeyahay ma diidani, anigana Dad ayaan ahay Xaq ayaana leeyahay, haddii aanan Sharci ama Aqoonsi lahayn micnaheeda maahan in aan Dadnimada ka baxay amaba aanan ahayn.

Wuxuu iigu soo gunaanaday in dadka qaarkii ay ka wanaagsan yihiin kana qiima badan yihiin Eeyaha jarmalka, waana sida aan aaminsanahay haddaanu nahay jarmalka dhaladka ah”

Waxaan ku iri Eey ayaa tahay marba haddii aad sidaa aaminsantahay oo dadka qaarkii ay kaala qiima badan yihiin Eeyaha, mase garan kartid qiimaha Aadnimada, waxaasa imaan doonto Maalin aad sidaa u garan doonto, waxaa tahay Xayawaan ku dhex nool Barwaaqo oo aanan warba u hayn waxa ay nolosha uga dhigantahay dadka qaar ee Dunida.

kolkaas ayaan go’aansaday in aan kasoo lugeeyo Yurub oo dhan oo aan kusoo laabto halkii aan sharafta iyo hantida ku lahaa, aniga oo soo bogsaday gartayna ninka aan ahay, kana shallaysan Ninka aan doonayay in aan noqdo iyo dadka aan u martiyey ee Eeyaha in ay iga qiima badan yihiin ii sheegay.

Eey igama qiima badna, xitaa isaga Jarmalka ah, waxaan goostay in jirrada igu dhacday ee dhoofka ahayd aan iska daaweeyo mar dambana aysan igu dhicin, in aan soo laabto oo aan kusoo laabto halkii aan ka tagayna Qarash ayaa iiga baxay, balse, waa Alle mahaddi haddii aniga oo Nabad qabo aan soo laabtay dibn u bilaabay noloshayda.

Sidaas ayuu kusoo gunaanaday hadalkiisa walaalkaas ila kulmay ilana wadaagay sheekadaas qiimaha iyo Xikmadda leh, anigana waxaan u doortay in aan qoro oo Umadda qiimaha ay leedahay aan ku tuso laguna cibro qaato oo Cibro ay u noqoto inta cibrada wax ku qaadata.

Dhmmaad

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...