Hordhac: Southampton v Chelsea – Blues Oo Guushii Man City U Adeegsaneysa Dhiirogelin Iyagoo U Safraya Koox Aan Gool Lagu Dhalinin Sagaal Saacadood Iyo 14 Daqiiqo Oo Ay Ciyaareen.

Southampton-vs-Chelsea-620x361

Kulanka: Southampton v Chelsea

Garoonka: St Mary’s

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Xilli Ciyaareedkii hore: Southampton 1-1 Chelsea

Garsoore: Atkinson

Southampton gool lagama dhalinin muddo sagaal saacadood iyo 14 daqiiqo oo ay kubad ciyaareen, waana istaatistiko aad u adag oo aysan maareyn karin koox walba oo ka horimaaneysa. Si kastaba, haddii Chelsea ay sii wadi karto xasuuqii ay u geysteen caruurtii Manchester City ee koobka FA Cup markaas Guus Hiddink waxa uu filan karaa natiijo wanaagsan. Ronald Koeman ayaa dhanka kale aamini doona in ninka ay isku wadanka yihiin Hiddink inuu nugul yahay islamarkaana St Mary’s ay goob joog u noqon doonto guushii shanaad ee isku xigta ee minankooda.

MAXAA KA CUSUB?

Southampton waxaa weli ka maqan Victor Wanyama kaasoo maqnaanaya kulankiisa labaad ee shan kulan oo laga ganaaxay ciyaarta.

Florin Gardos iyo Jay Rodriguez ayaa labadaba ku soo laabtay tababarka, inkastoo ay u baahnaan doonaan isbuucyo yar oo ay ku dhisaan taam ahaanshahooda madaama ay muddo dheer dhaawacyo ku maqnaayeen.

Kabtanka Chelsea John Terry ayaan weli diyaar u aheyn inuu ka soo laabto dhaawaca muruqa ah, inkastoo aan laga saarin kulanka habeenka talaadada ee Norwich City.

Alexandro Pato ayaan isna ciyaari doonin madaama uu soo dhisayo taam ahaanshihiisa jireed. Weeraryahanka kale Radamel Falcao ayaa weli dhaawac ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Southampton (4-5-2): Forster; Van Dijk, Fonte, Yoshida; Soares, S Davis, Romeu, Clasie, Bertrand; Long, Mane.

Chelsea (4-2-3-1): Courtois; Baba Rahman, Cahill, Ivanovic, Azpilicueta; Fabregas, Matic; Hazard, Oscar, Willian; Costa.

MA OGTAHAY?

  • Southampton lagama badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay ka horyimaadeen Chelsea, (hal guul, labo barbaro) waxaana laga badiyay kaliya labo jeer todobadii kulan ee ugu danbeysay,
  • Si kastaba, kooxda Blues ayaa laga badiyay kaliya hal jeer todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay u safreen St Marys Stadium (afar guul, labo barbaro)

 

LIFAAQ.COM


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...