Hordhac: Barcelona v Sevilla – Blaugrana Oo Ku Hamineysa Inay Soo Ceshato Hogaankeeda 8da Dhibcood Ee La Liga Islamarkaana Ay Dheereysato Rikoorkeeda Guuldarro La’aanta Caawa.

Barcelona-Vs-Sevilla

Kulanka: Barcelona v Sevilla

Garoonka: Camp Nou

Waqtiga: 10:30pm Saacada Geeska Afrika

Inay soo ceshtaan hogaankooda sideeda dhibcood ee horyaalka iyo inay sii dheereystaan rikoorkooda guuldarro la’aanta ah ayaa yoolka kooxda Luis Enrique ee caawa.

Kooxda FC Barcelona ayaa soo dhaweyneysa kooxda Sevilla kulanka 26aad ee horyalka La Liga iyagoo rajeynaya inay soo ceshtaan hogaankooda sideeda dhibcood ee La Liga islamarkaana ay sii dheereysteen 35ta kulan ee isku xiga ee aan weli laga badinin.

Tartanka horyaalka La Liga ayaa haatan noqday mid labo faras ay ku tartamayaan ka dib markii shalayto ay Real Madrid gurigeeda guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda ay deriska yihiin ee Atletico Madrid, kuwaasoo haatan shan dhibcood u soo jirsaday kooxda koobka difaacaneysa ee Barcelona.

Laakiin Real Madrid ayaa farqi weyn u u dhaxeyn doonaa iyaga iyo Barcelona haddii ay caawa ka badiyaan kooxda Sevilla, iyadoo farqigaas uu noqon doono 12 dhibcood xilli ay 12 kulan kaliya ka harsanaaneyso horyaalka Spain.

MAXAA KA CUSUB?

Barcelona waxa ay heystaan koox taam ah oo la soo shirtagaan kulanka caawa, waxaana ay ku jiraan jawi wanaagsan ka dib guushii ay Arsenal ka soo gaareen bartamihii isbuucii hore ee lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ka dhacday London. Xiddiga kaliya ee dhaawac uga maqan waa Rafinha.

Taas bedelkeeda tababare Unai Emery waxaa ka maqan xiddigo waa weyn kulanka caawa iyadoo Ever Banega uu ganaax ku seegayo halka Grzegorz Krychowiak, Marco Andreolli iyo Nicolas Pareja ayaa dhaawacan yihiin. Fernando Llorente, Mariano iyo Federico Fazio ayaa iyagana ku guuldareystay inay qeyb ka noqdaan kooxda u safreysa Barcelona.

Warka u wanaagsan Sevilla ayaa ah in xiddiga garabka ka ciyaara Vitolo inuu ku soo laabto kooxda ka dib dhaawac ka soo gaaray kulankii horyaalka ee ay isbuucii hore barbaraha la galeen Rayo Vallecano.

SHAXDA MACQUULK AH:

Barcelona (4-3-3): Bravo; Vidal, Pique, Mathieu, Alba; Busquets, Roberto, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar

Sevilla (4-2-3-1): Rico; Coke, Rami, Kolodziejczak, Tremoulinas; Cristoforo, N’Zonzi; Vitolo, Iborra, Krohn-Dehli; Gameiro

 

LIFAAQ.COM


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...