Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Badan Leh Ee Madrid Derby Ee Maanta Dhexmaraya Kooxaha Real Madrid v Atletico Madrid.

GettyImages-470708344.0-620x414

Kulanka: Real Madrid v Atletico Madrid

Garoonka: Santiago Bernabeu

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Ka dib barbaro ay ku jahwareereen oo ay kala kulmeen Malaga isbuucii hore, Zinedine Zidane ayaa wajahaya kulankiisii ugu adkaa weli ee isagoo tababare Real Madrid ah. Kulan mar ay u arki jireen taageerayaal badan oo Madridistas ah inuu yahay kulan natiijadiisa la iska ogyahay, haatan boorka caanka ah ee suran Bernabeu ee uu ku qoran: “Waxaan dooneynaa koox iska dhexdhexaad ah oo u qalanta Madrid derby” in badan runta kama hadlayo boorkaasi.

Waqtigii boorkaas la suray Bernabeu waxa ay aheyd xilli Real Madrid aysan 14 sanadood guuldarro ka soo gaarin Atletico Madrid kulamada minan iyo martiba. Bidix iyo midig ayaa loogu maadeysanayay Atletico, waxaana kaftankii ka soo baxayay Bernabeu ka mid ahaa “Markii ugu danbeysay ee ay Atleti garaacday Real Madrid, Varane waxa uu baranayay sida wax loo akhriyo.”

Si kastaba haatan ku dhawaad seddex sanno ayaa laga joogaa markii ugu danbeysay ee ay Los Blancos seddexda dhibcood ka qaadato Atletico Madrid kulan horyaalka ah oo Derbi Madrileno ah – xaqiiqdiina kooxda Diego Simeone lagama badinin tan iyo markii ugu danbeysay ee ay Madrid ka badisay horyaalka 27kii April sannadii 2013.

Iyagoo durbaba sagaal dhibcood ka danbeeya kooxda hogaamineysa islamarkaana difaacaneysa horyaalka ee Barcelona iyadoo kaliya 13 kulan ay ka harsan tahay horyaalka, waana farqi aan laga soo kabsanin abid horyaalka La Liga. Laakiin Madrid oo haatan qibrad u yeelaneysa mudadii ugu dheereyd taariikhda ee aysan badinin kulanka Derby Madrid ayaa dooneysa inay rikoorkaas sariirta u dirto maanta.

Atletico oo hal dhibic ka sareysa Real Madrid kala sareynta horyaalka islamarkaana heysata rikoor difaac oo aad u sareeya, ayaa deganaansho iyo kalsooni muujin doonta kulanka maanta ee Bernabeu.

MAXAA KA CUSUB?

Zidane ayaa xaqiijiyay in difaaca bidix ee Marcelo uu kulankan seegayo in kasta oo uu kulankii Roma ka soo laabtay dhaawac uu la maqnaa.

Marcelo ayaa kulankii lugta hore ee Champions Leaque-ga ee Roma ka soo kabsaday dhaawac uu la maqnaa basle waxay u muuqataa in Zidane uu xidiga ree Brazil kula soo deg degay garoonka, wuxuuna Marcelo seegayaa kulanka muhiimka ah ee Madrid Derby ee maanta. Marcelo ayaa la sheegayaa in uu dhaawac kubka ah la maqnaan doono muddo saddex todobaad ah.

Laakiin warka dhagaha jamaahiirta Real Madrid u fiican ayaa ah in Karim Benzema uu ka soo kabsaday dhaawac ku seegay kulamadii ugu danbeeyay. Da’yarka  Borja Mayoral oo todobaadkan gool cajiib ah ka dhaliyay kooxda da’yarta Man City ayaa liiska lagu soo daray. Gareth Bale iyo Pepe ayaa iyagana weli dhaawac ku maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Atlético de Madrid: Oblak; Juanfran, Gimenez, Godin, Luis; Koke, Gabi, Augusto, Saul; Griezmann, Torres

Real Madrid: Navas, Danilo, Ramos, Varane, Carvajal; Modric, Kroos, Isco; Ronaldo, Benzema, James

MA OGTAHAY?

  • Tan iyo 2012kii, Real Madrid iyo Atletico Madrid waxa ay ciyaareen 16 kulan, shan kulan waxaa badisay Real Madrid, lix kulan waxaa badisay Atletico halka shanta kulan kale ay barbaro galeen.
  • Labo tababare oo halyeey ah ayaa iska horimaanaya maanta, Zinedine Zidane oo 144 kulan oo La Liga ah u ciyaaray Real Madrid iyo Diego Simeone 133 kulan oo horyaalka ah u ciyaaray Atletico Madrid.

 

LIFAAQ.COM


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...