DHACDO AAD U NAXTIN BADAN…

Wiil Agoon ah ayaa Hooyadiis waxa ay laheyd 1 IL oo uu aad ugu nacay,
Wiilkaan ayaa wax ka baran jirey mid ka mid ah Schoolada Magaalada

Muqdisho, halkaas oo ay hooyadiisna ku iibin jirtey Jalaato si ay uga soo
saarto Biilka guriga iyo Waxbarashadiisa. Wiilkaan ayaa aad u karaaheestey Muuqaalka Hooyadis isagoo weliba
aad u necbanaa mar walbo oo uu ku arko iyadoo Schoolka ku dhex
iibineyso Jalaata.. Maalin maalmaha ka mid ah oo Wiilkeeda uu lahaa Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka ayey
ugu soo gashey Class-ka/Fasalkii uu Schoolka ka dhiganaayey si ay Niyada ugu dhisto wiilkeeda balse Nasiib
daro aad ayuu uga caroodey asagoo u arkayey ceeb imaanshaha Hooyadis ay timid Class-ka/Fasalka weliba waxa
uu ku eegay eegmo aad u fool xun oo ay la yaabtey, markii ay ka tagtey ayaa qaar kamid ah Ardayda Skoolka
ay qosol la dhaceen iyadoo mid ka mid ah uu ku yiri ‘’ AHAHAH HOOYADAA WAA ILBUUN’’la micno ah
Hooyadaa waxa ay leedahay 1 IL taasoo aad uga sii xanaajisay. Waxa uu dareemay Cariiri iyo
Walbahaar ku aadanaa Muuqaalka Hooyadiisa asagoo Jeclaa mar uun in ay Dhimato oo ay Aduunka ka tagto
si aan loogu caayin, waxa uu sidoo kale ku fakiray in uu Dalka isaga baqoolo uuna ka dheeraado

Muqaalka Hooyadiisa macaan, waxa uu dhameestey waxbarashadiisii Dugsiga sare, isagoo Nasiib u yeeshay
in uu ka mid noqdo Arday Deewaxbarasho ahaan dibedda loogu qaadey,waxa uu soo dhameestey

waxbarashadiisii Dibeda waxa uuna nasiib u yeeshay in uu Shaqo ka helo Hay’ad ka shaqeyneysay Gudaha
Dalka oo uu dib ugu soo laabtey, waa uu guursadey asagoo uu ilaahey ugu deeqay Caruur iyo guri Farxadeed,
waa uu is ilaawsiiyey Noloshisii hore iyo Xusuusta Hooyadisa macaan oo uusan dib u jaleecin halka iyo
meesha ay ku dambeyso, dhanka kale Hooyadis ayaa aad uga murugeesneed halka uu wiilkeeda ku
dambeeyo balse nasiib wanaag sidii ay u raadineysay ayey maalin maalmaha ka mid ah soo ogaatey in
wiilkeeda uu heer sare ka gaarey Nolosha uuna Dalka ku noolyahay iyadoo weliba soo heshay halka uu
ku noolyahay waxa ay soo abaartey halkii loogu sheegay in uu wiilkeeda ku noolaa
iyadoo aad u faraxsan ayey soo garaacdey Albaabka hore ee guriga oo ay ka fureen Caruur uu dhaley, aad
ayey ugu faraxdey aragtida Caruurta uu wiilkeeda dhaley balse Nasiib xumo caruurtii ayaa dib u cararay
markii ay arkeen Ayeeydood oo aysan dadka ka aqoon, Caruurta qaar ayaa ku qosley halka kuwa kalana ay
ooyeen Sawaxan badan iyo Buuq kadib ayaa waxaa Albaabka soo istaageyWiilkeeda oo aad ula yaaban waxa
Caruurtisa ku dhacay, balse markii uu arkey Muuqaalka Hooyadiis oo uu mudo arag ayey cod carol eh ku yiri ‘’
MA WAXAAD U TIMID IN AAD
CARUURTA IGA CABSI GELISID OO
AAD FARXADA GURIGEYGA DUMISO
HOREY AYAAD TEYDA USOO DUMISAY
PLEASE ISAGA TAG GURIGEYGA KANA
FOGOW NOLOSHEYDA IYO TAN
FAMILKEYGA’’
Hooyadiis oo aad ula yaaban wiilkeeda sidoo kalana ku faraxsan aragtida wiilkeeda iyo caruurtiisa oo
aysan mudo arag ayaa si degan ugu jawaabtey iga raali noqo wiilkeygow waxaa dhici karto in aan Guri qaldan
Albaabkiisa soo garaacey , Mudo kadib ayaa wiilkii waxaa soo gaarey Warqad Fariin ah oo ka timid
Schoolkii uu wax ku baran jirey waqtigii u yaraa Hooyadiisna ay ku dhex ganacsan jirtey asagoo aad ula
yaaban waxa ku qornaan doono ayuu warqadii furey waxaa ku qoran Fariin qoraaleed looga yeerayo in uu tago
Schoolka sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxa uu xir xirtey Alaabtiisa asagoo Xaaskisa u sheegay in uu Safar
Ganacsi oo deg deg ah ugu Baqoolayo Magaalada Muqdisho halkaas oo uu horey uga soo haajirey naceybka uu u
qabay Hooyadis macaan dartiis Schoolkii markii uu tagay ayaa loo sheegay in looga baahan yahay in uu
tago Guriga Hooyadis ku nooleed asagoo deg degaya ayuu qabtey wada dheer oo tagta Gurigooda
Nasiib xumo markii uu tagay Albaabkii gurigooda ayuu ka war helay in Guriga uu xiran yahay waa uu gar garaacey balse wax jawaab ah
ma uusan helin iyo cid ka furto asagoo amakaagsan ayaa deriska kusoo baxeen una sheegeen in Hooyadis ay geeriyootey ,balse
geerideeda ka hor ay uga tagtey Warqad Qoraal oo dar daaran ah. Warqadii ayuu furay asagoo aad u naxsan waxa ayna u qorneed sidatan:
‘’ WIILKEYGOW, IFTIINKA INDHAHEYGOW, KAAN DUNIDA UGU JECLAHOW AAD AYAAN UGA
XUMAHAY SIDA AAN NOLOSHA KUGU CEEBEEYEY OO AAN KUGU CARIIRIYEY, WAXAAN KAA
CODSANAYAA CAFIS, NUURKA INDHAHEYGOW MA OGTAHAY IN ADIGOO YAR AAD
GASHEY SHIL GAARI OO AAD KU WEYSAY MID KA MID AH INDHAHAAGA, BALSE AAN SAMEEYEY
WAX WALBO OO AY HOOYO WIILKEEDA AY U SAMEYN LAHEYD TAASOO AH IN AAN KUU BIXIYEY MID
KA MID AH INDHAHEYGA SI AAD NOLOSHAADA WAX UGU QABSATID OO AAD WAX UGU BARATO, WAXAANA
AHAA QOF KU FARAXSAN NOLOSHAADA IYO GUUSHA AAD KA GAARTEY WAX BARASHADII AAN SIDA
DHIB AH KUGU SOO BAR BAARIYEY KA DIB DHIMASHII AABAHAA HOOYO IFKA IYO AAKHIRO KU NOOLOW
NABAD IYO NAXARIIS’’
Markii uu intaas aqriyey ayaa waxaa mar qura indhahiisa soo buux dhaafiyey ilin waxa uu galey Fikir iyo Xusuus iyo sidii dhibka badneed ay
hooyadis kusoo korisay iyo siduu u necbahaa Muuqaalkeeda iyo Nolosheeda laakin waxba ma uusan qabin karin waqti xaadirkaas.
—————————————->
ILAAHAYOW WAALIDIINTEENA U
NAXARIISO SIDEE AY NOOGU
NAXARIISTEEN MARKAAN YAR YAREEN
OO DAMBIGOODA DHAAF
AMEEEEEN<—-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Latest News

Kooxaha hubeysan ee Soomaaliya (Daawo Khariirad muujineysa Dhulka ay ka taliso kooxda Alshabaab)
- Jun 7, 2018
Kooxda Alshabaab oo ka hoos dhaltay Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ee kacay sanadkii 2006 ayaa ...
DAAWO SAWIRRO: Talyaaniga oo Qalab Casri ah ku wareejiyey Dowladda Somalia
- Jun 7, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...
AKHRISO: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka
- Jun 7, 2018
Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo ...
Wariye Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda oo geeriyooday
- Jun 7, 2018
Allah ha u naxariistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku ...
Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)
- Jun 7, 2018
Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan ...